Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 28-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.69%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $310.14M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $238.37M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Donald Trump ayaa la sheegay inuusan ku qanacsanayn soo jeedinta nabadeed ee ugu dambeysay ee Iiraan, taas oo ay ku doonayso in dib loo dhigo wada-hadallada nukliyeerka ilaa uu dagaalku dhammaado.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Bangiga dhexe ee Japan ayaa go’aamiyay inuu waxba ka baddelin heerka ribada oo ahaa 0.75%, isaga oo tilmaamay hubanti la’aan ka dhalatay dagaalka Iiraan iyo kororka qiimaha shidaalka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo kuwa Ethereum ayaa lumiyay maalgashi maalinkii shalay.

BTC: -$263.18M
ETH: -$50.48M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Macaamiisha BlackRock ayaa iska $22.9M oo Bitcoin ah.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiime suuqeedka stablecoins-ka ayaa gaadhay $305.29B.

Ku dhawaad $1T oo stablecoin ah ayaa la is-weydaarsaday bishan.

Maamulaha Coinbase, Brian Armstrong ayaa sheegay in $60B ay sannadkii tagay ku baxday khidmadaha xawilaadda lacagaha waxa uuna sheegay in ku dhawaad kharashkaas laga dhigi karo $0 haddii la adeegsan lahaa stablecoins-ka.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Google ayaa la sheegay inay saxiixday heshiis sir ah oo AI ah oo ay la gashay Pentagon-ka Maraykanka.

Heshiiskan wuxuu u oggolaanayaa dowladda Maraykanka inay isticmaasho AI-ga Google “ujeeddo kasta oo sharci ah”, oo ay ku jiraan hawlo sirdoon.

Shirkadda OpenAI ayaa ku guuldareysatay inay gaadho bartilmaameedyadii dakhliga iyo isticmaaleyaasha ee ay iskeed u dejisay, taasoo dhalisay walaac gudaha ah oo ku saabsan inay sii wadi karto kharashaadka waaweyn ee xarumaha xogta ay ku bixinayso.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article