Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.58 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 43% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $247.27M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $152.76M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray maamulkiisa inay diyaariyaan cunaqabatayn (blockade) dheer oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo istaraatiijiyaddu diiradda saareyso cadaadis dhaqaale si loogu qasbo inay oggolaato heshiis nukliyeer.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo kuwa Ethereum ayaa lumiyay maalgashi, halka ETF-yada XRP ay heleen maalgashi cusub.
BTC: -$89.68M
ETH: -$21.8M
XRP: $2.20M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. BLEND (BLEND)
BLEND ayaa si rasmi ah maanta loogu daray Upbit, iyadoo la furay ganacsiga KRW, BTC, iyo USDT pairs, taasoo keentay korodh xooggan oo qiimaha iyo mugga ganacsiga ah, maadaama isweydaarsiga ugu weyn ee South Korea uu fududeeyay helitaanka token-ka.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle ayaa $500M oo $USDC ah ku daabacday shabakadda Solana, iyada oo guud ahaan stablecoins-ka ay ku daabacday shabakaddan ay toddobaadkan gaadheen $3.25B.
Ganacsade ka qayb galay ICO-ga Ethereum oo 2015 ku maalgashaday $3,100 ayaa hadda wareejiyay 10,000 ETH oo qiimahoodu yahay $22.88 milyan kadib 10.8 sano oo aan wax dhaqdhaqaaq ah uunan samayn.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Ka ganacsiga Bitcoin ee madalaha is-weydaarsi ee waaweyn ayaa hoos ugu dhacay meeshii ugu hooseysay tan iyo Oktoobar 2023-kii.
75% ka mid ah shirkaddo ay Coinbase iyo Glassnode ay su’aalo waydiiyeen waxay ku jawaabeen in Bitcoin ay raqiis tahay marka la eego qiimaha ay hadda joogto.
Wadarta lacagta soo gashay iyo ta ka baxday suuqyada is-weydaarsi ee Bitcoin ayaa gaadhay +9,905 BTC Abriil 27-keedii, taasoo noqotay qulqulkii ugu weynaa ee maalinle ah bishan.
Hantida dhabta ah ee la tokenize-gareeyay (RWA) ee Solana ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid (all-time high) oo ah ku dhowaad $2.50 bilyan guud ahaan qiimaha.
Bybit Pay ayaa ballaadhisay adeegyadeeda gudaha South Africa iyadoo iskaashi la sameysay MoneyBadger, taasoo u oggolaaneysa isticmaaleyaasha inay ku adeegtaan Kiribto iyagoo adeegsanaya QR codes dukaamada dalka oo dhan.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda OpenAI ayaa ballaadhisay iskaashigeeda Amazon Web Services (AWS), iyadoo keentay moodeladeeda, Codex, iyo Amazon Bedrock Managed Agents oo ku shaqeeya OpenAI gudaha AWS (tijaabo xaddidan).
Arrintan waxay u oggolaaneysaa shirkadaha inay si toos ah ugu adeegsadaan AI-ga OpenAI gudaha nidaamyada AWS ee ay hore u isticmaalaan, iyagoo ka faa’iideysanaya amniga, maamulka xogta, iyo kaabeyaasha AWS .
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


