Wararka Maanta ee suuqa Crypto, 28-ka August 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.91 Tirilyan, waxuuna hoos u kor u kacay 1.17%.

- Advertisement -

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (45), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $259.50 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $133.10 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $112,894, kor u kac ah 1.51% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.14% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,588.2.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.46% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.00.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.26% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $212.89.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in ay jiraan 11 musharax oo adag oo u tartamaya Guddoomiyaha cusub ee Fed-ka, iyadoo wareysiyo la bilaabi doono kadibna liiska gaaban loo gudbin doono Madaxweyne Trump ka dib Maalinta Shaqaalaha (Labor Day).

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 27-ka August, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 22,341 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.48 billion, waxaana ka baxay 24,643 BTC oo u dhiganta $2.74 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Strive Funds waxay iibsan doontaa in ka badan $700M oo Bitcoin ayuu yidhi maamule Matt Cole.

Ark Invest oo ay hogaamiso Cathie Wood ayaa iibsatay 339,113 saamiyo ah oo ka tirsan shirkadda keydka $ETH ee Tom Lee, BMNR, taariikhdu markay ahayd August 27-keedii.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Shirkadda Bitplanet ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday istaraatiijiyadda keydsiga Bitcoin, taasoo ka dhigaysa shirkadda ugu horreysa ee caalami ah ee haysta $BTC gudaha dalkaas, iyadoo qorsheynaysa in ay iibsato $40M oo $BTC ah marka koowaa.

Paraguay waxay maalgelinaysa $6 milyan oo ah saamiyo la token-gareeyay oo ku jira Polkadot si loo horumariyo Assuncion Innovation Valley, kaasoo ka koobnaan doona hudheel, jaamacad, iyo xarun xogeed.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Waxaa la iibsaday qiyaastii $81.4 milyan oo $BTC ah iyo $307.2 milyan oo $ETH ah 27-kii August.

Spot ETFs-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 57,110 $ETH oo qiimahoodu yahay $262.6M taariikhdu markay ahayd August 27-keedii.

  1. 🪙 Stablecoin

Guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee Shiinaha, Zhou Xiaochuan, ayaa ka digay la qabsiga stablecoins, isaga oo ku tilmaamay inay wax u dhimi karaan xasilloonida maaliyadeed, sida uu sheegay wargayska Bloomberg. Zhou wuxuu ku dooday nidaamyada lacag-bixinta ee hadda jira ee Shiinaha inay yihiin kuwo aad u hufan oo khidmaddoodu hooseeyso.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Natiijooyinka rubuca 2aad ee sannadkan ee Nvidia waxay muujiyeen hoos u dhac ku yimid koritaanka shirkadda, inkastoo dakhliga iyo faa’iidadu xooggan tahay, taasoo kicisay welwel ah in kobaca AI-ga uu laga yaabo inuu gaabinayo.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

VITALIK ayaa yidhi “Waxaa jira fursad ah 20% in quantum computers-ku ay jebiyaan cryptography-ga casriga ah ka hor dhammaadka 2030-ka”.

Senator-ka Philippines, Bam Aquino ayaa soo jeediyey in miisaaniyadda qaranka lagu diiwaangeliyo blockchain iyadoo la adeegsanayo Polygon.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment