Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.9 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.04%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysra 68% oo ah hantida suuqan crypto ku jirta halka Bitcoin ay haysato 32%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha maadaama shalay suuqyadu dhulka galeen.

In ka badan $348.67 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $220.37 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $112,951, kor u ka ah 0.01% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.18% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,192.6.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.46% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.86.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.73% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $219.5.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Guddoomiyaha Fed Jerome Powell ayaa hadli doona caawa 7:35, isagoo diiradda saaraya aragtida guud ee dhaqaalaha Maraykanka.

El Salvador ayaa u wareejisay qiyaastii $678M oo Bitcoin ah 14 boorso oo kala duwan, si taxaddar ahaan looga hortago halista suuragalka ah ee quantum computing.

Kazakhstan ayaa ku dhawaaqday stablecoin cusub oo lagu magacaabo KZTE, kaas oo lagu xidhay lacagta qaranka tenge, waxaana lagu dhisay Solana iyadoo lala kaashanayo Mastercard, Intebix, iyo Eurasian Bank.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in la filayo in sharciga qaab-dhismeedka suuqa crypto uu sannadkan dhaqan gali doono.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Ku dhawaad 3,228 $BTC iyo 18,290 $ETH ayaa la iska iibiyay September 22-keedii.

BTC ETFs waxaa ka baxay $363.17M, halka ETH ETFs waxaa ay waayeen $75.95M

Fidelity’s spot Bitcoin ETF waxay iibisay 2,460 $BTC oo qiimahoodu dhan yahay $276.7M bishan September 22-keedii.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitcoin miner CleanSpark ayaa ballaarisay istiraatiijiyaddeeda maaliyadeed iyadoo daynsatay $100M deyn cusub oo dammaanad ahaan loogu xidhay BTC kana timid Coinbase Prime. Lacagtan waxaa loo adeegsan doonaa ballaadhinta tamarta istiraatiijiga ah iyo hawlgallada mining-ka.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Stablecoin-ka MetaMask ee mUSD ayaa gaadhay qiimp suuqeed ah $65M hal toddobaad kaddib markii la bilaabay.

Shirkadda YZi Labs ee uu leeyahay CZ, oo qiimaheedu yahay $10B, ayaa ka fiirsanaysa inay furto maalgashiga dibadeed iyadoo baahidu kordhayso isla markaana mowqifka sharci-dejinta Mareykanka uu isbeddelayo.

Zak Folkman, aasaasaha World Liberty Financial, ayaa sheegay in mashruucu uu qorsheynayo in uu mar dhow soo saaro Debit Card u gaar ah.

Deutsche Bank ayaa sheegay in ay jirto “fursad ay dahabka iyo Bitcoin labaduba ku wada jiri karaan miisaaniyadda bangiyada dhexe ilaa 2030-ka

AgriFORCE Growing Systems ayaa qorsheynaysa in ay magaceeda u beddesho AVAX One, iyadoo qorsheynaysa in ay ururiso $550M si ay u noqoto shirkaddii ugu horreysay ee NASDAQ ku ku jirta ee leh istiraatiijiyad kayd $AVAX ah.

🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain

Visa, Stripe, iyo Fold ayaa iska kaashanaya soo saarista kaarka deynta Bitcoin (Bitcoin credit card), taas oo u suurtagelinaysa dadka isticmaala inay kharashaadkooda maalinlaha ah ku sameeyaan BTC

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment