Wararka Maanta ee suuqa Crypto, 26-ka September 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.74 trillion, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2%.

- Advertisement -

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 71%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha.

In ka badan $865.47 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $737.86 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $109,261, hoos u dhac ah 2.16% ayay sameysay maanta.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.27% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,914.5.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 3.97% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.74.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.87% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $195.36.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dhaqaalaha Mareykanka ayaa kordhay, isagoo muujinaya koboca ugu xooggan muddo ku dhawaad laba sano ah oo ay horseeday kharashka bulshada oo batay.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Ku dhawaad 2,240 $BTC iyo 60,542 $ETH ayaa la iibiyay September 25-keedii.

ETF-yada BTC waxaa ka baxay maalgashi dhan $253.4M.

ETF-yada ETH waxaa ka baxay maalgashi dhan $251.2M.

BlackRock ayaa iibsatay Bitcoin qiimiheedu yahay $79.7 milyan.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Maalgashade ayaa dhawaan iibsaday 1,524 Bitcoin oo qiimahoodu gaadhayo $171 milyan.

AlphaTON Capital waxay samaysay iibsigeedii ugu horreeyay ee $TON oo qiimihiisu yahay $30M kadib markii ay gashay heshiis maalgelin ah oo gaadhaya $71M, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn adduunka ee $TON haysta.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda TeraWulf ee qodista crypto waxay qorsheyneysaa inay ururiso $3 bilyan iyadoo taageero ka helaysa Google, si ay u ballaadhiso xarumaha xogta ee diiradda saaraya AI.

Canary Capital waxay gudbisay file-ka S1 si ay u soo saarto ETF ku saleysan Solana ($SOL) kaas oo haynaya isla markaana staking ku sameynaya Solana.

Cloudflare ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay ku bilaabayso stablecoin cusub oo la yidhaahdo NET Dollar, oo lagu salaynayo doolarka Maraykanka.
Stablecoin-kan waxaa loogu talagalay in uu fududeeyo lacag-bixinnada degdega ah ee loogu talagalay AI agents, halabuurayaasha, iyo horumariyeyaasha.

Bitwise ayaa soo gudbisay faylka S-1 si ay u bilowdo ETF-ka $HYPE.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI waxay soo bandhigtay ChatGPT ‘Pulse‘ – oo ah barnaamij ka caawinaya adeegsadayaasha cusbooneysiin maalinle ah oo la habeeyey iyadoo lagu saleynayo rabitaanka isticmaalaha.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment