Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.67 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.84%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $416.38 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $268.71 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $109,025, kor u kac ah 1.10% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.18% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,852.69.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,090.51, sameeyayna kor u kac dhan 2.04% 24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.80% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.38.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.12% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $187.61.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Caawa 10-ka habeennimo Trump ayaa hadal jeedin doona, ha laga war hayo, sababtoo ah saameyntiisa ayuu leeyahay.

Hoggaamiyaha xisbiga Reform UK, Nigel Farage, ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisu hadda aqbalayo deeqaha in lagu bixiyo lacagaha dhijitaalka ah (crypto donations).

Farage ayaa sheegay in uu yahay “rajada kaliya ee shirkadaha crypto ee UK”, isagoo muujinaya taageeradiisa buuxda ee mustaqbalka dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Ku dhowaad $101.4 milyan oo $BTC ah iyo $18.9 milyan oo $ETH ah ayaa la iibiyay Oktoobar 22-keedii.

ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 28,600 ETH oo qiimahoodu yahay $110.7 milyan Oktoobar 22-keedii.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

ETF-ka Vanguard ee VGT ayaa iibsaday $11.2 milyan oo kale oo ah saamiyada $MSTR (MicroStrategy), taasoo wadarta guud ee ay haystaan ka dhigaysa 1.7 milyan oo saamiyo oo qiimahoodu yahay qiyaastii $489.2 milyan.

Shirkadda Quantum Solutions ee ka diwaangashan suuqyada saamiyada Tokyo ayaa ku dhawaaqday inay iibsatay 2,365 ETH muddo 7 maalmood gudahood ah, taasoo ka dhigtay shirkadda ugu weyn ee haysata kaydka ETH ee Japan, iyadoo ay taageerayso Ark Invest.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Coinbase ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay Maraykanka kaarka Coinbase One, oo ay taageerayso American Express, iyadoo laga helayo dib u soo celin ilaa 4% Bitcoin ah iibsasho kasta.

Revolut ayaa heshay oggolaanshaha MiCA ee ay ka heshay Cyprus, iyadoo diyaarinaysa inay bilowdo barnaamijkeeda “Crypto 2.0”, kaas oo bixinaya 280 token iyo staking bilaash ah (zero-fee staking).

Stablecoins-ka waxaa dhex maray hanti dhan $46 tirilyan sanadkii la soo dhaafay, taas oo ku dhowaad saddex jeer ka badan mugga macaamilka Visa, isla markaana si dhow ula tartamaysa shabakadda ACH ee maamusha bangiyada Maraykanka.

Robert Kiyosaki ayaa sheegay inuu iibsanayo Bitcoin sababtoo ah “Bitcoin waa lacagtii ugu horreysay ee si dhab ah u kooban…kaliya 21 milyan ayaa jirta.”

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Google ayaa soo bandhigtay Quantum Echoes, oo ah algorithm cusub oo la sheegay inuu 13,000 jeer ka dhakhso badan yahay kuwa caadiga ah, taasoo fure u noqonaysa horumarka AI-ga iyo Sayniska.

Bloomberg ayaa sheegtay in OpenAI ay dhiseyso “Banker AI” oo loogu magac daray Project Mercury, si otomaatig loogu sameeyo qaabaynta maaliyadeed iyadoo kaashaneysa in ka badan 100 falanqeeye hore oo Wall Street ka hawlgali jiray.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Propy ee tokenize-gareysa hantida maguurtada ah ayaa gelinaysa $100 milyan si ay u balaadhiso hawlaheeda Maraykanka, iyadoo adeegsanaysa blockchain iyo AI si loo fududeeyo hawlgallada.

☢ 8. Xogta dhaca crypto

Mashruuca DeFi ee Bunni ayaa xirmaya kadib weerar lagu qaaday, iyadoo lacagaha hadhay loo qaybin doono dadkii lahaa.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment