Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.67 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.87%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $263.56million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $186.16million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $114,295, hoos u dhac ah 0.79% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.05% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,111.19.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.77% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.64.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,135.99, sameeyayna hoos u dhac dhan 3.13% 24-kii saac ee u dambeeyay.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.31% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $198.98.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Wakiilka Ro Khanna ayaa soo bandhigay sharci cusub oo lagaga mamnuucayo madaxweynaha, xubnaha Congress-ka, dhammaan saraakiisha la doorto iyo qoysaskooda inay ku ganacsadaan lacagaha dhijitaalka ah (crypto) ama saamiyada (stocks).
Senator-ka Jamhuuriga ah Thom Tillis ayaa xasuusiyay Congress-ka in ay haystaan ilaa bisha Janaayo ama Febraayo si ay u ansixiyaan sharciyada la xidhiidha lacagaha dhijitaalka ah (crypto) ka hor inta aysan siyaasadaha doorashooyinka hakinin horumarka.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Labadaba ETF ee BTC iyo ETH ayaa la kulmay maalgelin togan bishii Oktoobar 27-keedii, iyadoo Bitcoin lagu maalgashaday $149.3 milyan, halka Ethereum lagu maalgashaday $133.9 milyan.
ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 17,440 $ETH oo qiimahoodu yahay $72.5 milyan bishii Oktoobar 27-keedii.
BlackRock iyo Ark Invest ayaa iibsaday Bitcoin qiimiheedu gaadhayo $141.6 milyan.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Evernorth, oo ay taageerto Ripple, ayaa iibsatey $1 bilyan oo ah XRP ka hor intaanay ku biirin suuqa Nasdaq.
Shirkadda American Bitcoin ayaa iibsatay 1,414 $BTC oo qiimahoodu yahay $163 milyan, taasoo kordhisay khasnaddeeda guud ilaa 3,865 $BTC oo hadda lagu qiimeeyo $445 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Bitwise waxay maanta bilaabaysaa Solana Staking ETF ($BSOL), kaas oo noqonaya ETF-kii ugu horreysay ee Mareykan ah oo 100% maalgeliya $SOL (spot exposure).
Brian Armstrong oo ah madaxa Coinbase ayaa yidhi “Crypto iyo stablecoins waa aaladaha casriyeyn doona nidaamka maaliyadeed ee caalamka.”
Suuqa dahabka waxaa ka baxay $3.37 trillion toddobaad gudahii.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
PayPal ayaa la kaashatay OpenAI si ay u hirgeliso lacag bixin degdeg ah (instant checkout) iyo ganacsi gudaha ChatGPT.
Iskaashigan cusub wuxuu ujeeddadiisu tahay in uu siiyo isticmaaleyaasha awood ay ku dhamaystiraan iibsigooda iyo macaamilkooda gudaha ChatGPT iyadoo la adeegsanayo caawimaad AI ah iyo adeegyada lacag-bixinta ee PayPal.
Elon Musk ayaa daahfuray Grokipedia, oo ah encyclopedia ku shaqeeya Garaadka macmalka ah (AI-powered).
Grokipedia waxaa loo dhisay si ay u bixiso xog iyo aqoon si caqli leh loo habeeyey, iyadoo ka faa’iidaysanaysa tignoolajiyada AI ee Grok si ay uga jawaabto su’aalaha isticmaalayaasha si fudud oo la fahmi karo.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Citibank oo ayaa iskaashi la sameeyay Coinbase si uu u ballaadhiyo xalalka lacag-bixinta ee hantida dhijitaalka ah ee loogu talagalay macaamiisheeda waaweyn ee ah hay’adaha maaliyadeed.
Ujeeddadu waa in la keeno qaababka lacag-bixinta ee ku saleysan Kiribto gudaha nidaamyada bangiyada waaweyn.
Tani waxay muujinaysaa is-dhexgal qoto dheer oo u dhexeeya dhaqaale dhaqameedka iyo kaabayaasha blockchain.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
