Waraka Maanta Suuqa Kiribto 03-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.59 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 147.76 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 26% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $124 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 14 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $107,627.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,697.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,001.10
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.40
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $175.14.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

- Advertisement -
  • Financial Stability Board (FSB) oo ka tirsan ururka G20 ayaa ku dhawaaqday warbixin muujinaysa in ayan jiraan warbaxino cad pp ku saabsan hirgelinta xeerarka crypto-ga iyo stablecoins-ka waddamo badan.
  • Wadanka Kenya wuxuu Golaha Baarlamaankiisa meel maray sharci cusub oo loogu tala galay hantida dijitaalka ah, kaas oo dhigaya bangiga dhexe inuu maamulo ruqsad bixinta stablecoins-ka iyo ka warqabka sarrifka crypto.
  • Wadanka Australia waxa uu u oggolaaday hay’adda AUSTRAC inay hesho awood cusub oo lagu xakameynayo ATM-yada crypto-ga ah, gaar ahaan kuwa loo adeegsado lacag dhaqid ama maalgelin argagixiso.
  • United Arab Emirates (UAE) Wasaaradda Maaliyadda ee wadankaas waxay soo bandhigtay qaab cusub oo canshuuraha hantida dijitaalka ah lagu maareynayo — “Crypto-Asset Reporting Framework (CARF)” — taas oo dhowaan la hirgelin doono.
  • Midowga Yurub (European Union) ayaa qayb ka noqday cunu-qabateen xanibaad, taasoo ka dhan ah dalalka Russia.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Iibsiga hay’adaha waaweyn ee Bitcoin ayaa hoos u dhacay — firfircoonida ETFs-ka wuu yaraaday.
  • On-chain data waxay muujinaysaa in altcoins-ku noqon karaan jihada xigta ee maal-gashiga hay’adaha — ma aha oo kaliya Bitcoin.
  • Hay’aduhu waxay bilaabeen inay crypto-ga qayb ka mid ah adeegooda ama balance-sheet-kooda ku daraan, halkii ay ka ahaan lahaayeen maalgashi keliya.
  • Marka maal-gashadayaasha institution-ka ah dib u soo laabtaan, waxay keeni kartaa koror weyn Suuqa.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Stakefy 1SFY — Token cusub oo ku saleysan Solana, qiimihiisu ~$0.00048.
  • AI Judge Companion 2AJC — Token ku cusub BNB Chain, qiimo hoose oo presale ah.
  • SOPH — Token cusub waxaa la keenayaa Suuqa Binance “New Cryptocurrency”
  • XPIN — Token cusub oo lagu arkay liiska “New Arrival” ee sarrif-laha suuqeed KuCoin.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales-ka (maalgashadayaasha waaweyn) ayaa iibsiga Bitcoin iyo altcoins labadaba hoos u dhigay — taasoo muujinaysa in waqtigan ay sugayaan fursado qiimayaal hoose.
  • On-chain analytics waxay muujinayaan in qaar ka mid ah whales-ka ay ka wareejiyeen coins-kooda sarrifada (exchanges) calaamad muujinayso taxaddar.
  • Marka whales-ku bilaabaan iibsasho ballaaran, waxay calaamad u noqon kartaa in suuqa uu diyaar u yahay koror; hadii ay bilaabaan iibin, hoos u dhac ayaa suuragal noqon kara.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Ozak AI (OZ) — Mashruuc isku daraaya AI + DePIN (Decentralised Physical Infrastructure Network), waxaa la filayo inuu noqdo tiir muhiim ah mustaqbalka crypto-ga.
  • Hyperbridge (BRIDGE) — Protocol isku xirta blockchains kala duwan (cross-chain interoperability), oo muhiimad wayn ku leh blockchain-yada doonaya inay wada shaqeeyaan.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Cilmi-baaris cusub waxay tilmaamtay in crypto iyo blockchain ay wax badan ka badeli doonaan daqaalaha caalamka.
  • Blockchain-as-a-Service” (BaaS) ayaa noqotay mid ay shirkado waaweyn adeegsanayaan — taas oo ka dhigaysa in shirkadaha yar-yar ay si sahlan u isticmaali karaan blockchain-ka.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Isku-darka AI iyo Web3 wuxuu ku socdaan horumar xoogan.
  • Suuqyada loo yaqaan “decentralised AI” (data-markets) ayaa bilaabanaya halkaas oo isticmaalayaasha ay ku kala iibsadaan xogtooda ama model-yada AI.

🎨 9. NFT & DeFi

  • DeFi-ga ayaa muujinaya adkeysi inkastoo dhaq-dhaqaaqyo suuq ay muuqdaan sida staking, liquidity provisioning iyo amaahda dijitaalka ah oo si xowli ah u socda.
  • NFTs-ka leh utility (sida ciyaar, dakhliga qaybtiisa) — si ka duwan “NFT art kaliya” qaabkii hore.

Halkaan ka baro coursada Crypto

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment