Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 4-ta Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.41 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 3.64%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $1.02B ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $835.37M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxa Maraykanka ee Kiribto iyo AI, David Sacks, ayaa sheegay in khatarta dhabta ah ee AI aysan ahayn kacdoon robotyo, balse ay tahay marka Garaadka macmalka ah loo adeegsado kormeer dowladeed iyo xakamaynta macluumaadka.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Wuxuu yidhi:
Waxaan dhab ahaantii ka hadlaynaayi waa AI-ga been kuu sheega, jawaabaha qalloociya, taariikhdana dib u qora si uu ugu adeego ajandaha siyaasadeed ee kuwa xilka haya.”

Wuxuu sii raaciyay:
Markaas waxaa dheer arrinta kormeerka. AI-gu waxuu ogaan doonaa wax kasta oo kugu saabsan, waxuuna noqon doonaa sidii kaaliye kuu gaar ah — taas oo ka dhigaysa aaladda ugu habboon ee dowladda u sahlaysa inay kormeer iyo xakameyn buuxda kugu sameyso. Aniga ahaan, taasi waa halista ugu weyn ee AI.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETFs-ka $BTC iyo $ETH ee spot-ka ah ayaa mar kale la kulmay maalgelin ka baxday Noofambar 3-deedii, iyadoo Bitcoin laga saaray $186.5 milyan, Ethereum-na laga saaray $135.7 milyan.

Dhanka kale, ETF-ka $SOL ee spot-ka ah ayaa helay $70.1 milyan oo maalgelin cusub ah.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda ARK Invest ee ay leedahay Cathie Wood ayaa iibsatay saamiyo ku dhow $12 milyan oo ka tirsan shirkadda Bullish.

BitMine ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dartay 82,353 $ETH kaydkeeda, taasoo guud ahaan ka dhigaysa inay hadda haysato 3,395,422 $ETH oo qiimahoodu ka badan yahay $12 bilyan.

Coinglass ayaa shaacisay in ganacsade suuqa kor u galay oo BTC/USDT ku jiray, HTX-na ka dhex ganacsanayay uu khasaaray $34M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Dhaqdhaqaaqyada stablecoin-ka ee soo galay Binance ayaa gaadhay $7.3 bilyan muddo 30 maalmood ah — heerkii ugu sarreeyay tan iyo Diseembar 2024 taasoo muujinaysa in cadaadis weyn oo iibsasho uu suuqa ka dhismayo.

Shirkadda Strategy ayaa soo saartay $STRE, oo ah saamigeedii ugu horreeyay ee Euro lagu qiimeeyo oo ah perpetual preferred stock, iyadoo bixinaysa 3.5 milyan saamiyo midkiiba lagu qiimeeyay €100, isla markaana bixineysa 10% faa’iido sannadle ah. Dakhliga laga helo iibka saamiyadan waxaa loo adeegsanayaa iibsashada Bitcoin.

IREN, oo ah shirkad ka shaqaysa qoditaanka Bitcoin, ayaa saxiixday heshiis $9.7 bilyan ah oo la xidhiidha GPU cloud shirkadda Microsoft, taasoo calaamad u ah horumarkeedii ugu weynaa ee dhanka kaabayaasha AI-ga ah.

BlackRock ayaa lagu wadaa inay Bitcoin ETF ka bilaabi doonto Australia.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI iyo Amazon Web Services (AWS) ayaa kala saxiixday heshiis $38 bilyan ah si loo ballaadhiyo kaabayaasha AI iyo awood xisaabeedka workflow-yada generative AI.
Sababta ay muhiimka u tahay tani waa inay muujinayso maalgelin ballaadhan oo lagu sameynayo aasaaska AI — xisaabinta iyo xarumaha xogta — taasoo dardargelin doonta soo saarista iyo awoodda moodellada AI.

Cilmi-baadhayaal ayaa horumariyay nidaam isticmaala AI iyo shabakadaha dareemayaasha si loo kormeero xaaladda garaadka darawalada, taasoo ka caawinaysa yareynta daalka iyo cadaadiska darawalada.
Sababta ay muhiimka u tahay waa mid muujinaysa sida AI uu uga guurayo hawlaha software-ka kaliya una galay hawlaha dhabta ah sida ammaanka iyo waxqabadka aadanaha, gaar ahaan dhinaca gaadiidka.

☢ 7. Xogta dhaca crypto

Hackers-ka oo adeegsanaya AI ayaa noqday kuwo qaadaya weerarro ka halis badan weerrarradii hore.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment