Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.42 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.36%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 24% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $322.23M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $176.98M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Maxkamad Mareykan ah ayaa sheegtay in FBI aan lagu eedeyn karin tirtiridda xogta ku jirtay hard drive ay ku jirtay 3,400 Bitcoin, maadaama milkiilihii uu markii hore diiday in uu isagu leeyahay ilaa uu dib ka sheegtay.
Go’aankan wuxuu sii kordhiyay tirada sii badanaysa ee Bitcoin-ta luntay ee aan la soo celin karin, kuwaas oo lagu qiyaasay ilaa 3.7 milyan BTC, oo ah ku dhawaad 18% guud ahaan tirada Bitcoin.
Duqa magaalada Miami, Francis Suarez, ayaa sheegay inuu 300% faa’iido ka helay mushaharkiisa oo uu afar sano ku qaadanayay Bitcoin.
Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa qorsheynaya kulan ay la yeeshaan David Sacks, oo ah la-taliyaha Trump ee arrimaha Kiribtada, si ay uga wadahadlaan sharciga qaab-dhismeedka suuqa Kiribto.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin ($BTC) iyo Ethereum ($ETH) ayaa mar kale diiwaangeliyey in maalgaalin lagala baxay bishii Noofembar 5-teedii, iyadoo lagala baxay $137 milyan Bitcoin iyo $118.5 milyan Ethereum.
Dhanka kale, ETF-yada Solana ($SOL) ayaa helay malgashi cusub oo dhan $9.7 milyan.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
BitMine waxay iibsatey 20,205 Ethereum ($ETH) oo qiimahoodu yahay ku dhowaad $70 milyan, si ay ugu darto khasnadeeda (treasury).
Fidelity iyo ARK Invest ayaa iibsaday Bitcoin oo gaadhaysa $196.2 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Circle ayaa cusbooneysiisay shuruudaha $USDC, iyadoo hadda u oggolaanaysa in loo isticmaalo iibsashada hubka haddii ay tahay sharci.
Shabakadda XRP Ledger ayaa diiwaangelisay 21,595 boorsooyin cusub (wallets) muddo 48 saacadood gudahood, taasoo ah heerka ugu sarreeyay ee kobaca shabakadda muddo 8 bilood ah.
Adam Back ayaa yidhi ” hoos u dhacu waxa uu Bitcoin ka saarayaa gacanta dadka daciifka ah, isaga oo u wareejinaya dhanka kuwa adag“.
Dakhliga Robinhood ee qaybta Kiribto wuxuu kor u kacay 300% marka la barbardhigo sanadkii hore, isagoo gaadhay $268 milyan rubucii saddexaad (Q3), taas oo ka sarreysa saadaashii ay bixiyeen falanqeeyayaashu.
Shirkadda Franklin Templeton ayaa Hong Kong ka bilawday sanduuq lacageed (money market fund) oo laga dhigay USD Tokenize-gareysan, taasoo u oggolaanaysa maalgeliyeyaasha inay si dhijitaal ah uga qayb qaataan.
Ripple ayaa la kaashatay Mastercard, WebBank, iyo Gemini si ay ugu suurtageliyaan xallinta $RLUSD stablecoin ee XRP Ledger, taasoo taageeraysa lacag bixinaha kaararka lacagta naqdiga ah wax lagaga iibsado.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Wararka ayaa sheegaya in Apple Inc. ay ku dhowdahay inay saxiixdo heshiis $1 bilyan sanadkiiba oo ay la galayso Google LLC, si loo taageero cusboonaysiinta kaaliyaha codka Siri iyada oo la adeegsanayo moodelka AI ee Google oo leh qiyaastii 1.2 trillion “parameters”.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Chainlink ayaa gashay heshiis weyn oo ay la gashay SBI Digital Markets (laanta hantida dhijitaalka ah ee Japan), iyada oo lagu dhex daray CCIP interoperability protocol iyo qaybaha kale ee kaabayaasha tiknoolajiyadda.


