Wararka maanta Suuqa Kiribto 10-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.57 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 170.48 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 32% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay29% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $128.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 13 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $106,636.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,604.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,101.10
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.55
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $169.91.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

- Advertisement -
  • U.S. SEC waxay dib u dhigtay go’aanka ETF cusub ee ku saabsan Solana (SOL).
  • Yurub waxay ku dhawaaqday in MiCA (Markets in Crypto Assets) si buuxda loo dhaqan gelin doono bisha Janaayo 2026.
  • Bangiga Dhexe ee Hindiya wuxuu bilaabay inuu tijaabiyo ruqsado dijitaal ah oo ku saleysan blockchain.
  • Japan waxay soo kordhisay sharciyo cusub oo lagu ilaalinayo dadka isticmaala crypto-ka ka hortagga khiyaamooyinka DeFi.
  • Hay’adda lacagaha ee Ireland waxay ganaax ku ridey Coinbase Europe Limited ku dhawaad €21.5 milyan sababta waa inay ku guuldareysatay in ay si habboon uga war-bixiso dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu tuhunsan yahay lacag dhaqis sharci-darro ah.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • BlackRock iyo Fidelity waxay sii wadaan iibsashada Bitcoin iyagoo u arka “hantida cusub ee dahabka digitalka”.
  • VanEck waxay bilowday qorshe ETF cusub oo diiradda saaraya Layer 2 blockchain networks.
  • Franklin Templeton waxay sheegtay in DeFi ay noqon karto meesha ugu weyn ee maalgelinta sanadaha soo socda.
  • MicroStrategy waxay ku dartay 3,000 BTC cusub, taasoo kor u qaaday kaydkooda guud in ka badan 240,000 Bitcoin.
  • Goldman Sachs waxay sheegtay inay bilaabayso adeegyo cusub oo blockchain custody ah oo loogu talagalay hay’adaha maaliyadeed.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Token cusub $TAPZI ayaa si degdeg ah ugu kordhaya suuqa, isagoo helaya taageero whales XRP ah.
  • $MECHA, token ku saleysan AI gaming, ayaa sameeyay 70% koror hal maalin gudaheed.
  • $SOLPAY, stablecoin cusub oo ku saleysan Solana, ayaa la filayaa inuu bilaabo isticmaalka ganacsiyada Japan.
  • $GEMAI, token AI assistant ah, ayaa helay maalgelin ka badan $15 milyan intii lagu jiray presale.
  • $DEENCOIN, mashruuc halal-compliant ah oo laga sameeyay Dubai, ayaa soo galay liiska mashaariicda ugu xiisaha badan suuqa.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales waxay dhaqaajiyeen in ka badan $1.2 bilyan oo Bitcoin ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
  • Xogta on-chain waxay muujisay in whales ay kordhinayaan keydka Ethereum marka qiimuhu hoos u dhaco.
  • Solana whales ayaa soo iibsaday in ka badan 5 milyan SOL iyadoo ay jirto filasho koror cusub.
  • Whales-ka DeFi ayaa bilaabay inay ka guuraan stablecoins-ka una wareegaan ETH iyo BNB.
  • In ka badan 40,000 BTC ayaa laga wareejiyey cold wallets loona diray exchanges — taasoo muujinaysa suuragalnimada iib deg-deg ah.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Polygon (MATIC) ayaa ku dhawaaqday isbeddel cusub oo ku saabsan zkEVM-ka si kor loogu qaado xawaaraha.
  • Cardano waxay bilowday mashruuc cusub oo lagu darayo AI automation gudaha blockchain-keeda.
  • Sui Network waxaa la sheegayaa inay soo bandhigi doonto barnaamij DeFi ah oo xawaare sare leh toddobaadka soo socda.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Binance Smart Chain (BSC) waxay isku dayeysaa inay wanaajiso amniga kadib jebinta smart contract horraantii bishan.
  • Ethereum devs waxay tijaabinayaan horumar cusub oo lagu yareynayo kharashka gas fees.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Elon Musk wuxuu sheegay in AI iyo crypto ay isugu imaan doonaan si ay u sameeyaan nidaam dhaqaale oo madax-bannaan.
  • Fetch.AI (FET) ayaa ku biirtay iskaashi cusub oo lagu tijaabinayo “autonomous agents” ku shaqeeya Web3.0.

🎨 9. NFT & DeFi

  • Uniswap v4 waxaa la filayaa inuu bixiyo xawaare sare iyo kharash yar dhamaadka 2025 ka dib.
  • Aave waxay tijaabineysaa nidaam cusub oo “DeFi credit score” ah si loo qiimeeyo amaahda.
  • Blur Marketplace waxuu bilaabay NFT staking feature cusub oo lagu kasbado abaalmarino ETH.
  • OpenSea waxay qorsheynaysaa inay soo ceshato isticmaalayaasheeda kadib hoos-u-dhac ku yimid iibka NFT-yada.
  • MakerDAO waxay dib u habeyn ku sameyneysaa nidaamkeeda DAI si kor loogu qaado xasilloonida stablecoin-ka.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment