Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 18-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.12 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 3.77%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 15% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $1.04B ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $729.83M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Brazil waxay dhisaysaa mid ka mid ah habab wax-ku-ool ah, iyada oo muujinaysa sida waaxyaha maaliyadda dowladda ay si taxaddar leh u maalgashan karaan $BTC, iyaga oo diiradda saaraya kaabayaasha saxda ah halkii ay si buuxda ugu waxay hayaanba Bitcoin u galin lahaayeen.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Noofembar 17-keedii, lacagaha Spot ETF waxay diiwaan gasheen $74.5M oo ka baxay BTC iyo $10.37M oo soo galay ETH.

Dhanka kale, ETF-yada SOL waxay heleen $8.2M oo maalgashi ah, halka ETF-yada XRP ay diiwaan geliyeen $25.41M oo maalgashi cusub ah.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Ganacsatada haysta in ka badan 1,000 BTC ayaa ku kordhay 2.2% Bitcoin-ta ay haystaan, iyagoo gaadhay 1,384 – tirada ugu sarreysa afartii bilood ee ugu dambeysay.

Tani waxay muujinaysaa in ganacsatada iyo maalgashadayaasha waaweyn ay hoos u dhaca ka adeeganayaan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

4 milyan oo ganacsato ah ayaa dhawaan awood u yeelan doona inay aqbalaan $BTC iyada oo loo marayo Lightning Network, taas oo bixisa lacag-degdeg ah iyo khidmadaha la’aan uu ahaan doono illaa 2027.

AMINA Bank ayaa heshay ruqsadda Securities and Futures Commission (SFC) oo laga leeyahay Hong Kong si ay u bixiso adeegyada ganacsiga iyo kaydinta Kiribto ee hay’adaha, taasoo ka dhigaysa bangigii ugu horreeyay ee caalami ah ee helo oggolaanshahan.

Saamiyada shirkadda qodda Bitcoin ee HIVE Digital Technologies ayaa kor u kacay 7.5% kadib markii ay soo bandhigtay dakhligeeda rubuca 3aad ee sannadkan oo rikoodh gaadhaya $87.3 milyan xidhay.

Matt Hougan oo ka tirsan Bitwise iyo Tom Lee oo Bitmine madax ka ah waxay sheegeen in hoos u dhaca Bitcoin ay noqon karto fursad weyn oo laga faa’idaysan karo “hadiyad ay heleen maalgashadayaasha muddada-dheer” ayay ku magacaabeen.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maamulaha Guud ee Alphabet ayaa ka digay in si indho la’aan ah loogu kalsoonaado aaladaha AI, Sundar Pichai ayaa sheegay in moodooyinka AI ay weli “u nugul yihiin khaladaad” isla markaana ku booriyay dadka inaanay si buuxda ugu tiirsanaan. Waxa uu adkeeyay muhiimadda isticmaalka AI iyadoo lala kaashanayo waxyaabo kale, oo aan loo qaadan keliya ilaha runta ah ee jira.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Hawl-wadeenka suuqyada saamiyada Jarmalka ee Deutsche Börse ayaa ku dhawaaqay inuu ku dhex-darayo stablecoins-ka ku xidhan doolarka iyo Yuurada ee Société Générale‑Forge nidaamkiisa lacag-bixinta (Clearstream).

Tani waxay calaamad u tahay tallaabo weyn oo lagu isticmaalayo hanti ku saleysan blockchain-ka ee maaliyad dhaqameedka, taasoo suurta galinaysa in lacag-bixintu noqoto mid degdeg ah isla markaana kharashka la dhimo.

☢ 8. Xogta dhaca crypto

Is-weydaarsiga Mt. Gox oo la jabsaday 2014-kii ayaa dhaqaajiyey 10,608 BTC (ku dhowaad $953 milyan) kaddib siddeed bilood oo aan wax dhaqdhaqaaq uunan samayn.

Hacker UK u dhashay oo ka dambeeyay akoonnada dad caanka ah jabsaday si uu u fuliyo khiyaano $BTC ah ayaa lagu amray inuu dib u bixiyo in ka badan $5M.

Joseph James O’Connor ayay maxkamaddu ku amartay inuu dib u bixiyo $5.4M kadib weerarkii SIM-swap ee 2020-kii uu fuliyay isaga oo jabsaday akoonnada Musk, Obama iyo qaar kale.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment