Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 26-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.98 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.61%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 15% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $257.05M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $133.29M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Kevin Hassett, oo ahaa lataliyaha ugu sarreeya ee dhaqaalaha Trump kana mid ah dadka aadka u taageersan hoos-u-dhigidda degdegga ah ee heerka ribada, ayaa hadda loo arkaa musharraxa ugu dhow ee noqda guddoomiyaha cusub ee Federal Reserve (Fed).

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

SEC ayaa qaban doonta kulan ay kaga dooddo isbeddellada sharciyeynta maamulka shirkadaha iyo tokenization-ka saamiyada shirkadaha maalinta Diseembar 4-teeda.

Bangiga Dhexe ee Koonfur Afrika ayaa ku sifeeyey Kiribtada iyo stablecoins-ka khatar dhaqaale, isaga oo sabab uga dhigay tirada sii kordheysa ee dadka isticmaala iyo mugga ganacsi ee kor u kacaya.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada spot-ka ah ee BTC, ETH, SOL, iyo XRP ayaa dhammaantood diiwaan geliyey in maalgashi cusub soo galay Noofambar 25-keedii.

BTC: $128.64M

ETH: $78.58M

SOL: $53.08M

XRP: $35.41M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

shirkadda Ark Invest ee Cathie Woods ay leedahay ayaa sii kordhinaysa iibsashada saamiyada shirkadaha kiribto iyadoo suuqa uu hoos u dhacayo.

Shirkaddu waxay Noofambar 25-keedii iibsatay saamiyo dhan $13.5M oo Block ah, $76M oo Circle ah iyo $3.86M oo Coinbase ah

BlackRock ayaa u wareejisay 4,471 $BTC ($390.8M) Coinbase Prime.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Ethereum waxa ay 24-kii saac ee la soo dhaafay heshay qulqulka ugu badan ee stablecoin-ka, iyada oo ay soo gashay $965.9 milyan, sida ay muujinayso xogta Artemis.

Suuqa saamiyada ee New York (NYSE) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay oggolaanshaha ay ku diiwaangelinayso oo ay ku yeelayso liiska ETF-ka Bitwise ee Dogecoin.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Microsoft waxaa ka tagay laba hoggaamiye sare oo ka tirsan kaabayaasha AI, iyadoo baahida AI ay cadaadis ku hayso kheyraadka iyo awooda xarumaha xogta.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Bangiga Mareykanka ee U.S. Bank ayaa tijaabinaya soo saarista stablecoin u gaar ah oo lagu dhisayo shabakadda Stellar, iyadoo lala kaashanayo PwC iyo Stellar Development Foundation.

Klarna oo ah shirkad weyn oo fintech-ga Yurub ah ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso in ay soo saarto stablecoin ku xidhan doolarka Mareykanka, oo lagu magacaabo KlarnaUSD. Stablecoinkan ayaa hadda la tijaabinayaa, waxaana la qorsheeyay in si buuxda loo bilaabo sanadka 2026-ka iyada oo la adeegsanayo blockchain ay horumariyeen Stripe iyo Paradigm.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article