Crypto Market-ka oo Galay Marxalad Xasaasi Ah: Maxaa Hadda Socda?

Gelle Bashir

Suuqa cryptocurrency-ga ayaa hadda maraya marxalad aad u xasaasi ah, xilli Bitcoin uu weli ku dhow yahay heerarkiisii ugu sarreeyay balse ay jiraan calaamado muujinaya in xoogii suuqa kor u waday bilihii hore uu yaraaday.

Maalgashadayaal badan ayaa isweydiinaya su’aal muhiim ah: Ma sii socon doontaa kororka Bitcoin, mise suuqa ayaa gelaya marxalad hakad ama sixitaan (correction)?

1. ETF-yada Bitcoin iyo Jeeb-Weynayaasha

Mid kamid ah sababihii ugu waaweynaa ee Bitcoin kor ugu kacday sannadihii ugu dambeeyay waxay ahayd lacagta kasoo gashay ETF-yada Bitcoin, gaar ahaan kuwa ay maamulaan shirkadaha waaweyn sida BlackRock, Fidelity, iyo ARK Invest.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii ugu dambeeyay waxaa la arkayay in lacagta cusub ee ETF-yada soo galaysa aysan ahayn sidii hore. Weli waxaa jira maalgelin cusub, balse xawaarahii iyo awooddii suuqa kor ugu riixi jirtay way yaraatay.

Tani waxay muujin kartaa in hay’adaha waaweyn ay hadda qaadanayaan mowqif taxaddar leh, iyagoo sugaya xog cusub oo ku saabsan dhaqaalaha Mareykanka iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka.

2. Siyaasadda FED iyo Heerarka Dulsaarka

Dhanka dhaqaalaha Mareykanka, arrinta ugu weyn ee wali saameynaysa crypto market-ka waa heerarka dulsaarka (interest rates).

Federal Reserve ayaa go’aansatay inay dulsaarka ku sii hayso heerarkiisii hore, taas oo muujinaysa in bangiga dhexe uusan weli diyaar u ahayn inuu si degdeg ah u bilaabo jarista dulsaarka.

Marka dulsaarku sareeyo, maalgashadayaasha waaweyn waxay inta badan door bidaan maalgashiyada amniga badan sida bonds-ka iyo kaydka lacagta. Taasi waxay yarayn kartaa lacagta ku qulqulaysa assets-ka khatarta leh sida Bitcoin iyo Altcoins.

Waxaa sidoo kale jira isha lagu hayo cidda mustaqbalka hoggaamin doonta FED-ka iyo sida siyaasadaha maamulka Trump ay saameyn ugu yeelan karaan go’aannada dhaqaalaha.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

3. Xiisadda Bariga Dhexe iyo Strait of Hormuz

Xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ayaa sidoo kale noqday arrin muhiim ah oo saameyn ku leh suuqyada maaliyadeed.

Iran iyo Mareykanka ayaa galay xaalad cakiran, waxaana si gaar ah loo hadal hayaa marin-biyoodka Strait of Hormuz oo ah meel ay maraan number badan oo kamid ah saliidda adduunka.

Haddii khilaafyadaasi sii xoogaystaan, qiimaha saliidda ayaa kor u kici kara. Saliid qaali noqota waxay keeni kartaa inflation sare, halka inflation-kuna uu adkeyn karo in FED-ku bilaabo jarista dulsaarka.

Taasi waxay si toos ah u saameyn kartaa crypto market-ka.

4. Tartanka Cusub: IPO-yada iyo Shirkadaha AI-ga

Arrin kale oo xiiso leh ayaa ah in lacag badan oo maalgelin ah ay hadda u wareegayso shirkadaha tiknoolajiyadda iyo AI-ga.

Shirkado waaweyn sida OpenAI iyo Anthropic ayaa la filayaa inay mustaqbalka noqdaan shirkado si guud saamiyadooda loo iibsan karo (IPO).

Dhanka kale, SpaceX ayaa sii waday kororkeeda Market cap ahaan, iyadoo Elon Musk uu markale noqday qofka ugu taajirsan dunida.

Marka shirkado sidan oo kale ah suuqa yimaadaan, waxaa dhici karta in qayb kamid ah lacagtii geli lahayd crypto ay u wareegto IPO-yada cusub iyo saamiyada AI-ga.

Tani waa arrin ay tahay in maalgashadayaasha crypto si dhow ula socdaan sannadaha soo socda.

5. Maxaa Bitcoin U Baahan Yahay Si Uu Mar Kale Kor Ugu Kaco?

Si Bitcoin u helo mowjad cusub oo koror ah, waxaa jira dhoor arrimood oo muhiim ah:

  • ETF inflows oo dib u xoogaysta.
  • Federal Reserve oo bilaaba jarista dulsaarka.
  • Xiisadaha Bariga Dhexe oo yaraada.
  • Liquidity cusub oo soo gasha suuqyada caalamka.

Haddii qodobadan qaar kamid ah ay dhacaan, Bitcoin wuxuu heli karaa fursad uu ku gaaro heerar cusub oo taariikhi ah.

Gunaanad

Suuqa crypto-gu ma aha mid burburaya, balse wuxuu galay marxalad go’aan qaadasho ah. Hay’adaha waaweyn waxay sugayaan xog dheeraad ah, FED-ku wali ma bilaabin jarista dulsaarka, halka xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ay abuureen hubanti la’aan.

Dhanka kale, AI-ga, IPO-yada cusub, iyo shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa noqday meel cusub oo soo jiidanaysa maalgelinta caalamiga ah.

Bilaha soo socda waxay noqon doonaan kuwo muhiim u ah jihada Bitcoin iyo guud ahaan crypto market-ka.

Maalgashadayaasha waa inay si dhow ula socdaan ETF inflows, go’aamada FED-ka, qiimaha saliidda, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka si ay u fahmaan halka uu suuqu u socdo.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article