Saddex dhacdo oo waaweyn ayaa sababay inta u badan khasaaraha Kiribto ee 2025, halka amniga la xoojiyay ee barotokoollada DeFi uu si weyn u yareeyay weerarrada, sida ay sheegtay barta Chainalysis.
Hackers-ka Kiribto ayaa sanadkan diiradda saaray hay’ado waaweyn iyo boorsooyin ( Wallets) shaqsiyeed, taasoo keentay khasaaro gaadhaya $3.4 bilyan sannadka 2025 oo ah tiradii ugu sarreysay tan iyo 2022-kii.
Saddex weerar oo kaliya sanadkan, oo uu hoggaaminayo weerarkii $1.4 bilyan ee lagu qaaday suuqa is-weydaarsi ee Bybit, ayaa sameeyay 69% dhammaan khasaaraha laga bilaabo Janaayo ilaa horraanta Diseembar, sida lagu sheegay warbixin Chainalysis oo la sii daayay Khamiistii, iyadoo weerarrada ugu waaweyn ay ahaayeen kuwo kun jeer ka waaweyn weerarrada caadiga ah.
Andrew Fierman, madaxa sirdoonka amniga qaranka ee Chainalysis, ayaa u sheegay Cointelegraph in inkastoo weerarrada waaweyn ay kordhiyeen khasaaraha sanadkan, haddana aysan caddayn sida 2026 noqon doonto xaaladdu.

Weerarkii $1.4 bilyan ee Bybit ayaa ku dhowaad kala badh ka ahaa khasaaraha guud ee 2025, xigasho: Chainalysis.
“Way adag tahay in la saadaaliyo in xaaladdu ka sii dari doonto 2026, maadaama weerarradu ay aad ugu xidhan yihiin dhacdooyin gaar ah — hal ama laba weerar oo waaweyn ayaa samayn kara rikoodho cusub sannad kasta. Laakiin waxa aan odhan karo waa in qaabkan ‘ugaadhsiga bartilmaameedyada waaweyn’ uu sii socdo, mana jirto sabab lagu rumaysto in weerarradu hoos u dhici doonaan sanadka soo socda,” ayuu yidhi Fierman
Boorsadaha iyo furayaasha gaarka ah oo noqday bartilmaameedyo caadi ah
Dhanka kale, Fierman wuxuu sheegay in boorsooyinka shaqsiyeed ay noqdeen bartilmaameed caan ah oo hackers-ku weeraraan.
Waxay mataleen 7.3% qiimaha la xaday sanadkii 2022 iyo 44% sanadkii 2024. Sannadkan waa ku dhowaad 20%, laakiin haddii la iska dhaafo weerarkii Bybit, tiradu waxay noqon lahayd ku dhowaad 37%.
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan lacagta laga xaday weerarrada shaqsiyeed ayaa hoos uga dhacday $1.5 bilyan sanadkii 2024 ilaa $713 milyan sanadkan, inkastoo tirada dhacdooyinku ay ku dhowaadeen inay saddex jibaarmaan marka la barbardhigo 2022.

Boorsadaha shaqsiyeed oo badan ayaa la jabsaday sanadkan, balse lacagta guud ee la xaday way ka yarayd sidii hore, Xigasho: Chainalysis.
“Lacagahani waa yar yihiin sababtoo ah boorsooyinka shaqsiyeed badanaa ma haystaan lacag la mid ah tan suuqyada waaweyn, kuwaas oo isku geeya hantida isticmaaleyaal badan,” ayuu Fierman ku daray.
Barotokoollada DeFi oo hirgeliyay tallaabooyin amni oo wax ku ool ah
Qiimaha guud ee ku xiran DeFi (TVL) wuxuu ku dhow yahay $119 bilyan, sida laga soo xigtay DefiLlama, taasoo ka badan laba jibbaar hoos u dhacii 2023 markaa oo uu ka hooseeyay $40 bilyan.
Si kastaba ha ahaatee, Chainalysis waxay sheegtay in soo kabashada DeFi aysan la socon korodh weerarro ah, taasoo muujinaysa “isbeddel cad oo ka duwan qaabkii hore.”
Hadda ka hor meelaha ay lacag badani ku jirto ayaa inta badan la kulmi jiray weerarro badan. Hadda se, Chainalysis waxay tilmaamaysaa in borotokoollada DeFi ay hirgeliyeen amni ka wanaagsan, halka weeraryahannaduna ay u wareegeen boorsooyin shaqsiyeed iyo suuqyada Kiribto ee waaweyn.
Kuuriyada Waqooyi oo sii kordhineysa xirfaddeeda dhacitaan
Kooxo hackers ah oo ka socda Kuuriyada Waqooyi ayaa mas’uul ka ahaa $2.02 bilyan oo Kiribto ah oo la xaday sanadkan, taasoo ka badan $681 milyan guud ahaan sanadkii 2024, iyagoo adeegsanaya farsamooyin sida gelinta shaqaalaha IT-ga ee shirkadaha Kiribto mashruucyo xog lagaga raadinayo.

Hackers-ka Kuuriyada Waqooyi ayaa xaday Kiribto ka badan sanadkan marka loo eego sannadihii hore, xigasho: Chainalysis.
Falanqayntu waxay muujisay in hackers-ka Kuuriyada Waqooyi ay sameeyeen weerarro yar balse aad u waxyeello badan sanadkan, taasoo Chainalysis u aaneeysay xirfad, dulqaad iyo qorsheyn sare si ay u helaan faa’iidooyin waaweyn.
“Nidaamku wuxuu si joogto ah u tababarayaa oo u horumarinayaa xeelado cusub oo ay hawlwadeenadoodu ku fuliyaan istaraatiijiyadooda, ha noqoto ku dhex milanka shirkadaha Web3 sidii shaqaale IT ah ama helidda meelaha laga geli karo iyada oo loo marayo adeeg-bixiyeyaasha ka baxsan shirkadda ay weerarayaan,” ayuu Fierman yidhi.
Inkastoo suuqyadu ay wax badan ka bartaan weerar kasta oo ku saabsan xeeladaha ay kooxda Kuuriyada Waqooyi ay adeegsadaan si ay u dhacaan Kiribto (DPRK) isla markaana ay xoojiso amniga si ay uga hortagto khataraha mustaqbalka, DPRK-na iyaduna way horumareysaa, iyada oo mar walba raadinaysa wadooyin cusub oo ay ku weerartanto si ay u sii hesho dakhli sharci-darro ah.


