">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Bitcoin waxaa loo abuuray si uu u xalliyo dhibaatooyin waaweyn oo ka jirta nidaamka maaliyadeed ee la adeegsado, gaar ahaan kuwa la xiriira daahfurnaan la’aanta, xakamaynta dhexe, iyo xerida dhaqaalaha shaqsiga. Waxa uu Bitcoin ku xaliyaa isagoo bixinayo hab amaano leh oo daahfuran, Decentralized ah oo lagu keydiyo laguna diro lacag, iaydoo la adeegsanaayo Blockchain.

Waxaa jirtay dhawr dhibaato oo sabab u ahayd in la abuuro BTC, taas oo keentay xalalka dhibaatooyinkaan inkastoo ay wali curdun tahay fahamka dadka ay u leeyihiin Bitcoin ayna yartahay balse waxaa la isku raacay inay xal u tahay dhibaatooyinkaan waxaana ka mid ah:

  • Dhibaatada Xakamaynta Dhexe (Centralized)
  • Dhibaatada Sicir-bararka & Daabacaadda Lacagta six ad dhaaf ah
  • Dhibaatada Lacag-dirista iyo Fee-ga qaaliga ah
  • Dhibaatada Dadka Aan Haysan Account Bank
  • Dhibaatada Cunaqabataynta & Dabagalka Dhaqaale ay sameeyaan dowladaha iyo ha’adaha awooda leh
  • Dhibaatada (Double Spending) ay sameeyaan dadka rabo inay labo jeer lacag diraan iyagoo adeegsanaayo xeelado khiyaano ah
  • Dhibaatada Khiyaanada & Lacag-celinta (Chargebacks)
  • Dhibaatada Daahfurnaan la’aanta & Musuqmaasuqa

Sidee ayuu Bitcoin u xallinayaa dhibaatooyinkan?

1. Dhibaatada (centralized)

Nidaamyada dhaqaalaha ee caadiga ah waxay ku tiirsan yihiin hay’ado dhexe sida bangiyada, dawladaha, ama shirkadaha lacag dirista tusaale: Visa, MasterCard iyo PayPal. Hay’adahan waxay hayaan xakamaynta lacagtaada, waxayna xannibi karaan akoonnada, joojin karaan lacagaha la isku diraayo, ama xaddidi karaan isticmaalka labada qof wax is-dhaafsanaayo.

Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu meesha ka saarayaa baahida Cid dhexe, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad si toos ah lacag u dirto ama u hesho adiga iyo qof kale adoo adeegsanaya nidaam peer-to-peer payment ah mana jirto cid keli ah oo Bitcoin Network xukunta; shabakadda lafteeda ayaa xaqiijisa macaamil kasta.

2. Dhibaatada Sicir-bararka & Daabacaadda Lacagta xad dhaafka

Bangiyada dhexe waxay daabici karaan lacag markay doonaan, taas oo sababta sicir-barar oo hoos u dhigta qiimaha lacagta Tusaale waddamo sida Venezuela iyo Zimbabwe, sicir-barar aad u xun ayaa burburiyay lacagahooda markii bangiyada daabaceen lacago xad dhaaf ah.

Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu leeyahay xaddid kooban (Fixed Supply) oo ku eg 21 milyan – taasoo ka hortagaysa in la abuuro lacag cusub oo keenta sicir-barar.

3. Dhibaatada Lacag-dirista iyo Fee-ga qaaliga ah

Lacagaha caalamiga ah sida nidaamka wareejinta SWIFT waxay qaadan karaan maalmo waxayna leeyihiin kharash sare. Tusale PayPal iyo credit cards waxay ganacsatada ka qaadaan lacag badan oo adeeg ay bixiyaan ugu fududeyaan.

Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu oggolaanayaa in lacag si degdeg ah oo kharash yar aad ku diri karto meel kasta oo dunida ah adna laguugu soo diri karo kaliya waxaa bixinaysaa Fee yar oo miners shabakada la siinaayo.

4. Dhibaatada dadka aan haysan Account Bangi (Unbanked)

In ka badan 1.4 bilyan oo qof adduunka ayaa heli karin adeegyada bangiyada ay bixiyaan. Dalal badan oo soo koraya waxay dadkooda ka cawanayaan badan kooda in aysan heli Karin adeeg banki ama wadankooda ay saarantahay cunuqabateeno sida Yeman, Somalia, Iran, North korea iyo wadamo kale oo badan.

 ✅ Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu u oggolaanayaa qof kasta oo haysta internet iyo aalad sida Mobile, Labtop in uu lacagta bitcoin kaydsado, diro, ama looo diri karo isagoo aan u baahnayn wax bangi ah.

5. Dhibaatada Cunaqabataynta & Dabagalka Dhaqaale

Dawladaha iyo bangiyada waxay xannibi karaan lacagaha ama akoonnada shaqsiyaadka, sababo la xariiro siyaasad ama dhaqaale. Tani waxaa loo isticmaalaa in lagu caburiyo dadweynaha, laguna xakameeyo xorriyaddooda dhaqaale.

Xalka Bitcoin:

Bitcoin waa (censorship-resistant) lama xannibi karo qof kastaa wuu isticmaali karaa BTC isagoo aan cid fasax ka dooneyn kana baqayn in lagu sameeyo dabagal ama cid awood ugu xanibto lacagtiisa Bitcoin.

6. Dhibaatada (Double Spending)

Lacagaha digital-ka ah ay dowladuhu leeyihiin caadi ahaan waxay u baahnaayeen cid dhexe si ay u xaqiijiso in lacag aan labo jeer la diri karin,

Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu arrintaas ku xallinayaa iyadoo la adeegsanayo block chain oo ah shabakad decentralised ah si ay u xaqiijiso macaamillada, kana dhigayso mid daah furan uu qof walibo arki karo balse labada qof ee shabakada wax isku dhaafsanaayo aan xogtooda gaarka ah la ogaan Karin sida magacyadooda iyo password kooda gaarka ah (Private key).

7. Dhibaatada Khiyaanada iyo Lacag-celinta(Chargebacks)

Credit cards iyo adeegyada lacag dirista online-ka waxay oggol yihiin in lacagta la celin karo kadib markii ay dhacdo iibsasho. arintaan waxay caqabad ku tahay ganacsatada maadaama ay jiraan dad ka qaraabto khiyaanada iyo dhaca internet-ka inay wax iibsadaan ayee codsanayaan in loo soo celiyo lacagtooda iyagoo ku sababaynaayo inaysan ku qancin alaabta.

Xalka Bitcoin

Bitcoin wuxuu leeyahay hanaan (irreversible transactions) – marka lacag la diro lama soo celin karo, maadaama lagu diwaan galiyay Blockchainta hadii uu mar xermo Block-gaas ay lacagta ku jirtay dib dambe looma soo celin karo.

8. Dhibaatada Daahfurnaan la’aanta & Musuqmaasuqa

Nidaam maaliyadeedka caadiga ah ay dowladuhu maamulaan bankiyada bixiyaan maaha kuwo daahfuran, taasoo sahasha in la samayn karo musuqmaasuq, lacag dhaqid, iyo khiyaano bangi laguna takri falo hantida dadka caadiga ah ay bankiyadu dhigtaan

Xalka Bitcoin:

Bitcoin wuxuu ku shaqeeyaa blockchain furan (Public & Transparent Ledger), halkaas oo macaamil kasta si cad loogu arki karo oo kaliya ay qofka ka xegto inuu booqdo explorer’s-ka Bitcoin Blockchain sida btcScan.org, Mempool.Space, Blockchair.

halkaan ka baro Coursada crypto

Leave a comment