Sida daabacaadda (Minting) Stablecoins-ku u qaabeyso suuqa Kiribto

Suleyman Tubeec

Stablecoins-ku waxay door dhexe ka ciyaaraan nidaamka lacagaha dhijitaalka ah. Si ka duwan lacagaha is-beddelaya sida Bitcoin ama Ethereum, stablecoins-ka waxaa loo qaabeeyey in ay ku ekaadaan qiime go’an oo badanaa ku xidhan doolarka Maraykanka. Marka stablecoins cusub la daabaco (la mint-gareeyo), waxay la micno tahay in “doolarro dhijitaal ah” oo cusub ay soo galayaan suuqa Kiribto. Tani waxay saameyn weyn ku leedahay liquidity-ga, qiimaha, dhaqanka ganacsiga, iyo dareenka guud ee suuqa.

Daabacaadda stablecoins ma aha kaliya hawl farsamo, balse waa mid ka mid ah xoogagga ugu waaweyn ee saameeya dhaqdhaqaaqa suuqa Kiribto.

Daabacaadda Stablecoins = Awood Iibsi Cusub

Marka stablecoins sida USDT, USDC ama DAI la daabaco, waxay matalaan lacag dhab ah oo lagu shubayo nidaamka Kiribto. Badanaa tokens-kan waxaa la daabacaa marka maalgashadayaal ay shirkadda iska leh stablecoin-ka ku shubaan lacag fiat ah ama hay’ado waaweyn ay u wareejiyaan lacagaha Kiribto.

Tani waxay kordhisaa guud ahaan lacagta diyaar u ah in lagu iibsado Kiribto. Maadaama inta badan lammaanayaasha ganacsiga Kiribto lagu cabbiro stablecoins, tokens-kan cusub waxay u shaqeeyaan sida shidaal cusub oo suuqa shidaya. Stablecoins badan waxay ka dhigan yihiin ganacsato badan oo qaadan Kara trade-yo, furi kara ganacsiyo awood-jibbaaran (leverage), islamarkaana iibsan kara hanti.

30-kii beri ee u dambeeyay Circle waxay bixisay $23.8B oo USDC ah $24.3B oo USDC ahna way qaadatay xigasho : Circle.com

Taariikh ahaan, korodh weyn oo daabacaadda stablecoins ah badanaa wuxuu ka horreeyaa ama la socda kor u kac weyn oo suuqa ku iman doona.

Sida daabacaaddu u kordhiso Liquidity-ga

Liquidity-gu waa awoodda lagu iibsan karo ama lagu iibin karo hanti iyada oo aan si weyn loo beddelin qiimaheeda. Stablecoins-ku waa isha ugu weyn ee liquidity-ga suuqa Kiribto. Marka stablecoins badan la daabaco, suuqyada is-weydaarsi way sii awood bataan oo way firfircoonaadaan.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Tani waxay suurto-gelisaa:

  • Ganacsiyo waaweyn
  • In qiimaha si fudud oo hoos ugu dhicin (slippage)
  • Fulin ganacsi oo degdeg ah
  • Ganacsi leverage iyo derivatives badan

Marka stablecoins badan la helo, whales-ka, hay’adaha, iyo ganacsatadu si fudud ayey u dhaqaajin karaan lacagtooda, taas oo keenta suuq siman oo soo jiita hanti badan.

Saameynta qiimaha Bitcoin iyo Altcoins

Marka stablecoins la daabaco, inta badan sahaydaasi ugu dambayn waxay u qulqushaa Bitcoin iyo altcoins-ka waaweyn. Ganacsatadu badanaa stablecoins ayay haystaan iyagoo sugaya fursad, dabadeedna waxay u beddelaan BTC, ETH ama hanti kale.

Korodhka stablecoins ee suuqyada is-weydaarsi wuxuu kordhiyaa cadaadiska wax-iibsiga, taas oo horseeda:

  • Qiimaha Bitcoin oo kora
  • Kor u kac Altcoins-ka ku yimidda
  • Mug ganacsi oo badan
  • Dhaqdhaqaaq guud oo suuqa ah

Sababta daabacaadda Stablecoins u muujiso kalsoonida suuqa

Shirkaduhu ma daabacaan stablecoins haddii aysan doonayn inay maalgashadaan Kiribto. Marka daabacaaddu korodho, waxay muujinaysaa in maalgashadayaashu isu diyaarinayaan inay lacag geliyaan suuqa. Tani waa calaamad kalsooni ah ee ma aha cabsi.

Tether ayaa shalay daabacday 1B oo USDT ah xigasho : Whale Alert

Xilliyada suuq hoos u socda, tirada stablecoins way istaagtaa ama way yaraataa. Xilliyada suuq kor u socda, tiradu si degdeg ah ayey u korodhaa.

Xiriirka Stablecoins-ka iyo Leverage-ka

Stablecoins-ku waa laf-dhabarta ganacsiga leh awoodda-jibaaran (leverage) iyo derivatives-ka Kiribto. Marka la daabaco, badanaa waxaa loo adeegsadaa damaanad ganacsi. Tani waxay kordhisaa dhaqdhaqaaqa qiimaha iyo xamaasadda suuqa.

Saameynta mudada dheer ee dhaqaalaha Kiribto

Daabacaadda stablecoins-ku waxay ballaadhisaa nidaamka dhaqaale ee Kiribto, waxay xoojisaa DeFi, waxayna ka dhigtaa suuqa Kiribto mid u dhow nidaam bangiyeed caalami ah.

Daabacaadda stablecoins-ku waa mid ka mid ah xoogagga ugu waaweyn ee Kiribto. Waxay kordhisaa liquidity-ga, awoodda wax-iibsiga, qiimaha, iyo kalsoonida suuqa. Marka stablecoins-ku koraan, dunida Kiribto oo dhan way la kortaa.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article