Sucuudiga oo ajnabiga u furay suuqiisa saamiyada

Suleyman Tubeec

Hay’adda Suuqa Maaliyadeed ee Sacuudi Carabiya (Capital Market Authority – CMA) ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Febraayo 2026, boqortooyadu u oggolaan doonto dhammaan maalgashadayaasha shisheeye inay si toos ah u iibsadaan saamiyada Sacuudiga.

CMA waxay sheegtay in la baabi’inayo xeerarkii Qualified Foreign Investor (QFI) iyo shuruudihii hore ee xadka hantida ee lagu xidhay maalgashadayaasha dibadda.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay Qorshaha Vision 2030 ee Sacuudi Carabiya, kaas oo ujeedkiisu yahay kala-duwidda ilaha dakhliga iyo yareynta ku-tiirsanaanta shidaalka, isla markaana soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.

📈 Saameynta Suuqa iyo Maalgashiga

- Advertisement -

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in isbeddelkan uu:

  • Kordhin doono liquidity-ga (dhaqdhaqaaqa) suuqa
  • Soo jiidi doono maalgelin cusub

Xaruunta suuqa saamiyada ee Sacuudiga xigasho: Arab News

Falanqeeyayaal ayaa qiyaasaya in tani ay keeni karto $9 ilaa $10 bilyan oo maalgashi cusub oo shisheeye ah oo soo gala Tadawul, taas oo ku darsami doonta ku dhowaad $138 bilyan oo horeyba ay u lahaayeen maalgashadayaal ajnabi ah.

Xogta CMA waxay muujisay in ajnabigu ay haystaan hanti saamiyada Sacuudiga ah oo ka badan 590 bilyan riyal Sacuudi (qiyaastii $157 bilyan) dhammaadka 2025.

Khubaro ayaa sheegay in ballaadhinta awoodda maalgashadayaasha ay keeni karto in:

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Qiimaha guud ee shirkadaha Sucuudigu kor u kaco
  • Ganacsi badan (trading volume) la helo.

Sida uu sheegay hal falanqeeye, furitaanka suuqa “waxay Sacuudi Carabiya ka dhigaysaa mid la siman suuqyada soo koraya ee waaweyn sida Brazil, India, iyo China, isla markaana kordhinaysa liquidity-ga.”

📊 Falcelinta Suuqa

Suuqa ayaa si wanaagsan uga falceliyay warka:

Tadawul All Share Index ayaa kor u kacay ilaa 2.5%, taasoo noqotay korodhkii ugu badnaa ee hal maalin ku yimaadda tan iyo Sabteembar.

Falanqeeyayaasha Khaliijka ayaa tilmaamay jawi “risk-on” ah, iyadoo:

  • Qiimaha shidaalku kor u kacay
  • U furitaanka suuqa ajnabiguna uu kordhiyay kalsoonida maalgashadayaasha

Si kastaba, qaar ka mid ah maalgashadayaasha ayaa ka digay in tani aysan ahayn xal dhammeystiran.
JP Morgan ayaa sheegtay in inta badan maalgashadayaasha hay’adaha (institutional investors) horeyba loo oggolaa inay iibsadaan saamiyada Sacuudiga, sidaas darteed baabi’inta xeerarka QFI laga yaabo inaysan saameyn weyn yeelan.

Indhaha hadda waxaa lagu hayaa Isbeddelka la ballan-qaaday oo ah in laga gudbo xadka 49% ee lahaanshaha ajnabiga ee shirkadaha dalka Sucuudiga.

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in haddii xadkaas la fududeeyo dhammaadka sanadka, ay noqon doonto mid aad u soo jiidata maalgashiga caalamiga ah.

🏗️ La jaanqaadidda ‘Vision 2030’

Furitaanka suuqa saamiyadu wuxuu si buuxda ula jaanqaadayaa Vision 2030 iyo isbeddellada ballaadhan ee dhaqaalaha Sacuudiga.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in fududeynta gelitaanka suuqa ay:

  • Kordhinayso ka-qaybgalka shisheeyaha
  • Taageerayso kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa xusay in guusha mustaqbalka ay ku xidhnaan doonto:

  • Dakhliga shirkadaha
  • Maamulka iyo hufnaanta
  • Kharashaadka dawladda

Maalgashadayaashu si dhow ayay ula socon doonaan arrimahan, maadaama koritaanka muddada dheer ee Sacuudi Carabiya uu ku xidhan yahay wax ka badan kaliya u furitaanka suuqa saamiyada maalgashiga shisheeyaha.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article