Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

DApps- Decentralization Applications Waa Apps la mid ah kuwa caadiga aan hadda adeegsano sida Facebook, Youtube iwm. waxayna isku jiraan ‘mobile App iyo Desktop App’ balse waxay kaga duwan yihiin ma lahan Server dhexe oo laga maamulo waxay ku shaqeeyaan Blockchain, halka kuwa maanta aan isticmaalno ee leeyihiin Shirkado gaar ah xogta macaamiiishana lagu keediyo Server dhexe.

DApps waxay ku shaqeyaan Smart Contracts, uma baahano Shirkad dhexe oo maamusho waxaa lagu keediyaa Xogtooda Blockchainta waana Public, qof walba ayaa arki karo wax ka badel laguma samayn karo.

Astaamaha uu leeyahay DApps

 Decentralization Application waxay leeyihiin astaamo gaar ah kuwaaasoo ay kaga duwan yihiin Centralized Application aan hadda adeegsano waxaa ka mid ah astaamahaas

  • Waa Decentralized Apps ma lahan cid gaar ah oo maamusha
  • Waa open Source oo Code-ka lagu sameeye waa la heli karaa balse wax ka badel laguma samayn karo.
  • Waxaa loo adeegsadaa Samayntooda Smart Contracts si lagu keediyo Blockchain
  • Waxaaa xogtooda lagu kleediyaa Blockchain-ta oo ah diwaan guud oo hufan aan cid dhexe maamulin.
  • Waxaa loo adeegsadaa lacagaha Crypto marka wax lagu dhex iibsanaayo Sida Subscription. 

Sidee ayee u shaqeeyaan DApps?

Waxay qaab ahaan u eg yihiin Apps aan maanta adeegsano balse way ka duwan yihiin habka isticmaalkooda iyo samayntooda Frontend waxaa loo adeegsadaa luqadaha programming hadda la adeegsado sida HTML, CSS iyo Java Script, waxaa lagu dhisaa Backend ‘qaybta dambe ee laga maamula App-ka’ Smart contract waxaana loo adeegsadaa luqadaha Programming Rust iyo solidity, waxaa xogtooda keediso si toos ah Blockchain-ta, waxaa la adeegsadaa marka la booqanayo DApp wallet sida Metmask ama Phantom waxaa maamula nodes ‘shabakado Computer ku baahsan dunnida waa sida loo maamula shabbakada Crypto Bitcoin oo kale’. 

Noocyada DApps.

Waxaaa jiro noocyo badan oo Application madax banaan waxayna ku xeran tahay hadbo waxa loo adeegsanaayo waxaa ka mid ah noocyadooda:

  • DeFi Apps waa barnaamijyo maaliyadeed oo madax banaan waxaa loo adeegsadaa in wax lagu kala amaahdo la isku amaahiyo tusaale waa sida Apps ee leeyiihn hay’adaha iyo bankiyada caadiga ah aan maanta adeegsano
  • Social Apps: waa Application madax banaan oo bulshada kuwada xariirto balse aan laga maamulin Server dhexe waxay la mid yihiin kuwa aan maanta adeegsano sida Facebook, WhatsApp, Youtube iwm ah.  
  • Gamming Apps: waa Apps loo adeegsado ciyaaraha online-ka u samaysan qaab madax banaan waxay la mid yihiin kuwa aan maanta adeegsano sida PUBG.
  • Storage Apps: waxaa loo adeegsadaa in xogta lagu kaydsado qaab Decentralized ah waa sida App Storage aan maanta adeegsado tusaale waxaa ka mid ah File
  • Education Apps: waa Application laga barto aqoon oo qof walia ayaa wax ku soo gudbin kara mana jirto cid dhexe oo maamusha waxaana laga heli karaa aqoonta la xariirto Crypto, Blockchain. NFTs, Tokens iwm ah.
  • DAO Apps:  Waa Apps loo isticmaalo Codayn madax banaan waxayna ku shaqeyaan Blockchain oo qof walba isaga ayaa masuul iska ah ma jirto cid dhexe oo talo laga qaato.

Sidee loo isticmaalaa DApps?

Si aad u isticmaasho DApps oo aad u booqato raac tilaabooyinkaan

  1. Soo dagso App-ka aad doonayso inaad adeegsato ama ka booqo Browser-kaaga
  2. Ku xer wallet digital ah aad isticmaasho sida MetMask halkii aad Gmail ka galin laheed.
  3. Bilaaw isticmaalka Application-ka, iskana ilaali khatarta hackers maadaama la adeegsanayso barnamijyo madax banaan. 

Maxay shareecada Islaamka ka qabtaa adeegsida DApp?

Culimada waxay isku raaceen in technologiyada lafteeda aysan aheen xaaraan, laakiin waxa lagu sameynaayo ama loo adeegsanaayo ee go’aaminayso xalaasheeda iyo xaaraanteeda.

Hadii DApp loo adeegsado si waafaqsan sharciga islaamka waa banaan yahay, Apps-ka madaxabanaan ee la adeegsanaayo uusan ka shaqeynayn wax shrciga islaamka mamnuucday  sida in lagu dhex sameeyo khamaar, lagu kala qaadanaayo dayn ay saran tahay dul saar ama lagu soo bandhigo xumaan waa mamnuuc in la isticmaalo.

HALKAAN KA BARO COURSADA CRYPTOCURRENCY BILAAW ILAA DHAMAAD

2 Comments

  • Kayse faysal
    Posted August 10, 2025 2:24 pm

    Geele blogs waa madal aan ka faa’idney
    Waanan u Mahad ceninayaah

Leave a comment