NFT (Non-Fungible Tokens) waa calaamado dijitaal oo gaar ah ama farshaxan Digital ah kuwaasoo lagu kaydiyo xogtooda blockchain-ka waxayna matalaan milkiyad gaar ah oo aan la isku beddeli karin. Waxa ay noqon kartaa sawiro “arts”, Music, farshaxano, iyo shahaadooyin digital ah.
Astaamaha ay leeyihiin NFT-yada:
NFTs waxay leeyihiin Astaamo u gaar ah kuwaasoo ay kaga duwan yihiin ‘Fungible Tokens’ Tokens-yada digital ka ah ay matala lacagaha Cryptocurrency, waxaa ka mid ah astaamahaas:
- Waa (Non-fungible) la iskuma badeli karo, NFTs walba waa mid gaar ah, aan la mid ahayn mida kale taasoo ka dhigaysa mid qiimo gaar ah leh.
- Milkiyad (Ownership), Markaad NFT iibsato ama samayso, waxaad haysataa caddayn milkiyadeed oo lagu kaydiyay xogteeda blockchain.
- Waa (Immutable) Lama tirtiri karo, Marka NFT la diiwaangeliyo oo Blockchain-ta la galiyo, xogtiisa lama beddeli karo taasoo ka dhigeysa mid amni leh.
- Waa (Transparent), qof kasta wuu iska diwaan geli karaa Suuqyada laga helo NFTs waxayna arki karaan NFT-yada oo idil, sida milkiilayaasha hadda haysta iyo kuwii hore taas oo keenta daahfurnaan.
- Blockchain ayay ku tiirsan yihiin, NFT-yadu waxay ku shaqeeyaan blockchains sida Ethereum, Solana, Polygon iwm, kuwaasoo loo adeegsado samaynta mashruucyada arts, music iwm oo NFT ahaan loo adeegsado.
- Kala-duwanaansho (Uniqueness), NFT walba wuxuu leeyahay ID, sawir, Magac iyo,file u gaar ah ay kaga duwan yihiin noocyada kale.
- Waxaa loo adeegsadaa Smart Contracts, mashruucyada NFT-yada waxaa lagu xeraa Smart Contract ‘heshiis casri ah’ kaasoo lagu xakameeyo amniga mashruuca waxaana lagu kaydiyaa xogtiisa Blockchain-ta.
Sidee loo abuuraa Mashruuc NFT?

Si aad u samayso mashruuc NFT kuu gaar ah waxaad marka hore ku qasban tahay inaad fahanto sida ay u shaqeyaan, Blockchains kala duwan ee loo adeegsado samayntooda iyo suuqyada lagu iibiyo lagana iibsado. Raac tilaabooyinkaan si aad u samayso NFT kuu gaar ah
1. Dooro nooca NFT- aad doonayso inaad samayso kaasoo matalaya sawir, muqaal, muusig, ciyaar, iwm ah.
2. Xulo blockchain-ka aad doonayso inaad ku dhisto sida ERC-721 uu leeyahay Ethereum Blockchain waxuu qaadaa gas fee aad u sareeyo ama Solana Blockchain, Polygon, Arbitreum, Tron Blockchain. Waxaa muhiim ah inaad doorato mid ku habboon baahida mashruuca aad doonayso inaad samayso.
3. Samee crypto wallet, sida MetaMask, Trust Wallet ama Coinbase Wallet si loo maareeyo NFT-ga loona bixiyo gas fees , Kadibna , iibso cryptocurrency (ETH, SOL, iwm ) si aad ugu bixiso gas fees.
4. Dooro suuqa (marketplace) aad ku soo bandhigi doonto mashruucaaga NFT oo taageera blockchain-ka aad ku dhistay mashruucaaga, tusaale suua OpenSea waxuutaageeraa (Ethereum, Polygon, Base Blockchains) ama Magic Eden, oo taageera (Solana Blockchain)
5. Mint-gareey mashruucaaga NFT-ga oo u sameey Supply inta xabo aad doonayso inaad samayso, soo gali sawiro ka turjumaayo NFT-ga, u bixi magac, gali faafahin ula jeedka mashruucaaga NFT
6. Wallet-ka ku xidh madasha aad ku samaynayso mashruucaaga NFT-ga
7. Abuur collection inta xabo oo NFT-gaaga ka koobnaan doono
8. Riix “Create ama Mint” oo aqbal transaction si aad gas fee u bixiso
Markaad dhamayso inta aan kor kusoo xusnay, NFT-gaagu si rasmi ah ayuu blockchain-ka uga soo muuqanayaa.
6. ku soo list gareey suuqyada si lagaaga iibsado, Marka la mint gareeyo u sameey qiime go’an.
Platform-ku wuxuu qaadan karaa fee (tusaale: OpenSea 2.5%)
7. U sameey Suuqgeyn ‘Marketing’ Si NFT-gaaga loo ogaado, isticmaal Baraha bulshada si aad ugu xayeesiiso sida X, Instagram, Discord, Youtube iwm ah.
Maxaa loo adeegsada NFTs?
NFT-yadu waxaa loo adeegsadaa in ay noqdaan matalayaal ay ka dambeyso shay sida hanti, music, farshaxan waxaana lagu soo bandhigaa sawiraanta taariikhiga ah, meelaha loo adeegsado waxaa ka mid ah
- Farshaxanka Dijitaalka ah (Digital Art), Farshaxamiistiyaashu waxay farshaxankooda u rogi karaan NFT si ay si toos ah ugu iibiyaan dadka doonaayo qaab digital ah, Tusaale: Farshaxanka Beeple waxaa lagu iibiyay $69 milyan.
- Ciyaaraha (Gaming), waxyaabaha loo adeegsado ciyaarta sida, dharka, garoomada, jilayaasha (characters) waxaa loo badeli karaa NFTs.Tusaale: Axie Infinity iyo The Sandbox.
- Muusiga iyo Madadaalada, Fanaaniintu waxay soo saaraan albums, sawiro Digital NFT ah oo iyaga matalo
- Hantida Dhulka ee Dijitaalka ah (Virtual Real Estate) wxaa loo badeli karaa NFT. Tusaale: Decentraland iyo Otherside.
- Shahaadooyin-ka waxaa laga dhigi karaa Digital NFT lagu keedoyo Blockchainta, taasoo aan lagu samayn kari copy.
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamad