Wararka Maanta ee suuqa Crypto, 2-da September 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. πŸ“ˆ xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.77 Tirilyan, waxuuna hoos u hoos u dhacay 0.67%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (39), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $402.85 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $295.29 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $109,352, hoos u dhac ah 0.03% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.36% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,300.20.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani β˜… Daah-furnaan β˜… Musuq-maasuq Laa’aan. πŸš€ Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.37% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.78.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.45% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $199.53.

  1. πŸ› Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Trump ayaa sheegay in dawladda Hindiya ay joojisay cashuuridda badeecadaha Maraykanka laga keeno.

Sharciga SB 1330, oo loo yaqaan β€œBlockchain the Budget Bill,” ayaa si rasmi ah loo gudbiyey si miisaaniyadda qaranka ee Philippines loogu dhigo blockchain si loo helo hufnaan.

  1. πŸ” Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 1-da September, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 20,636 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.25 billion, waxaana ka baxay 31,527 BTC oo u dhiganta $3.44 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. πŸ‹ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

The Ether Machine ayaa urursatay $654M oo $ETH ah si ay u ballaadhiso khasnaddeeda, ka hor inta ay Nasdaq ku biirin sanadkan, sida aan ka soo xigannay Reuters.

Hantida qoyska Trump ee World Liberty Financial ayaa kor u kacday $5B, kadib markii la furay 24.6 bilyan oo $WLFI tokens ah.

Shirkadda SharpLink waxay iibsatay 39,008 $ETH, guud ahaan haynteeduna waxay gaadhay 837,230 $ETH oo qiimahoodu yahay $3.6B.

  1. πŸš€ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Agaasimaha Fulinta ee ESMA, Natasha Cazenave, ayaa ka digtay in saamiyada la token-gareeyay (Tokenized stock) ay marin habaabin karaan maalgashadayaasha maadaama aysan siinayn xuquuq toos ah saamileyda.

Michael Saylor oo Bitcoin ka hadlaya ayaa yidhi ” Cidda haysata Bitcoin badan ayaa guulaysanaysaβ€œ.

Binance ayaa soo bandhigtay shirkadda MedΓ‘ ee Mexico oo noqon doonta xarun fintech ah oo sharciyeysan si ay ugu fiddo Latin America, iyadoo qorsheyneysa inay ku maalgeliso $53M muddo afar sano ah.

Saamilayda Metaplanet waxay in lacag dhan $3.8B lagu maalgashan karo $BTC.

Coinbase & OKX ayaa ka faa’iidaysan doona nidaamka hawlgabka ee Australia iyagoo u fududeynaya adeegyo maalgashi crypto ah.

6. πŸͺ™ Stablecoin

    Shirkadda weyn ee hantida maguurtada ah ee dalka Imaaraadka Carabta, RAK Properties, ayaa bilaabi doonta inay aqbasho lacag bixinnada crypto oo ay ku jiraan Bitcoin, Ethereum, iyo USDT-da Tether, si loogu bixiyo kala iibsiga guryaha ee caalamiga ah.

    Wadarta Tirada $USD1 ee TRON ayaa ka gudubtay $50M kadib markii maanta la daabacay $25M.

    1. πŸ€– Intelligence-AI

    OpenAI waxay la socodsiin kartaa booliska wada sheekaysiyada ChatGPT ee ay u aragto khatar.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

    Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

    Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

    Crypto Trading Mastery: From A to Z

    A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

    Share This Article