Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.07 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.24%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $494.90M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $369.13M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Xafiiska kormeerka maaliyadda ee Maraykanka ayaa ogaaday in 9 bangi oo waaweyn oo Maraykan ah si aan habboonayn uga jarayeen adeegyada bangiyada shirkadaha Kiribto iyo shirkadaha siyaasiyan muranka badan leh intii u dhaxaysay 2020–2023.
Dawladda Bhutan waxay bilowday TER, oo ah token dhijitaal ah oo dawli ah oo dahabka ku xidhan, kuna dhisan Solana, waxaana la bilaabi doonaa 17-ka Diseembar.
Dawladda Belarus waxay adkeysay xeerarka Kiribto, iyadoo mamnuucday shakhsiyaadku inay isticmaalaan suuqyada Kiribto ee ajnabiga ah.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada BTC, ETH, SOL iyo XRP ee spot-ka ah ayaa helay maalgelin cusub.
BTC: $223.52M
ETH: $57.58M
SOL: $4.85M
XRP: $10.2M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Bitmine ayaa iibsatay 33,504 $ETH ah oo u dhiganta $112.06M.
Shirkadda American Bitcoin ayaa iibsatay 415 $BTC, iyada oo Bitcoin-ta ay haysato gaadhay 4,784 $BTC.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Saylor ayaa yidhi “Waxaan u maleynayaa in Bitcoin ay kordhi doonto ku dhawaad 30% sanadkiiba 20-ka sano ee soo socda.”
Sei waxay la kaashatay Xiaomi si loogu soo dejiyo horay wallet-keeda Kiribto iyo barnaamijyada la xidhiidha telefoonnada cusub ee Xiaomi.
Coinbase waxay oggolaan doontaa ganacsiga DEX ee dhammaan tokennada Solana ku dhisan, iyada oo aan loo baahnayn liis-gareyn.
Vanguard waxay ka noqotay mowqifkeedii kasoo horjeeday Kiribto, iyadoo in ka badan 50 milyan oo macaamiil ah u furayso ka ganacsiga ETF-yada Kiribto ee Bitcoin, Ethereum, XRP, iyo Solana.
Qiime suuqeedka guud ee stablecoin-ka ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $310B.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
OpenAI ayaa digniin siisay in moodeellada AI ee soo socda ay keeni karaan khataro weyn oo amniga internet-ka ah, oo ay ku jiraan suurtogalnimada horumarinta weerarrada “zero‑day” iyo faragelinta internet-ka ee adag, shirkaddu waxay ballaadhinaysaa qalabka difaaca sida kormeerka code-ka, hagaajinta nuglaanta, iyo sameynta Guddiga Khataraha Frontier oo ka kooban khubaro diiradda saaraya khataraha cyber-ka inta ayna bilaaban.


