Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 13-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.13 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.2%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 41% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $183.56M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $100.01M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Waxaa maanta soo baxaya xogta CPI oo laga yaabo inay suuqa wax ka baddesho.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Guddoomiyaha Guddiga Bangiyada ee Aqalka Senate-ka, Tim Scott, ayaa soo saaray qoraalka sharciga labada xisbi isku raacsan yihiin ee qaab-dhismeedka suuqa Kiribto kadib bilo wadahadallo iyo gorgortan socday.

Senator Elizabeth Warren ayaa ka dalbatay Guddoomiyaha SEC, Paul Atkins inuu caddeeyo sida hantida maalgashadayaasha loo ilaalinayo kadib markii amarka fulinta ee Trump uu oggolaaday in Kiribto lagu daro 401(k)-yada iyo sanduuqyada hawlgabka.

Senator-rada Mareykanka Wyden iyo Lummis ayaa soo bandhigay sharci la yidhaahdo Blockchain Regulatory Certainty Act, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo horumariyeyaasha blockchain-ka si aan loogu qasbin shuruucda xawilaadda lacagaha (money transmitter).

Dawladda UK ayaa bilawday baadhitaan ay ku eegayso barnaamijka Grok ee uu leeyahay Elon Musk.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $116.67M
ETH: $5.04M
SOL: $10.67M
XRP: $15.04M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. United Stables (U)

  • Ganacsiga spot-ka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Binance iyadoo lagu kala iibsanayo magaca U/USDT iyo U/USDC, ganacsigu wuxuu furmay 08:00 UTC, Janaayo 13.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine oo uu leeyahay Tom Lee ayaa mar kale staked-gareysay Ethereum qiimihiisu yahay $478.8 milyan.

Wadar ahaan, hadda waxay staked-gareeyeen Ethereum dhan $4.17 bilyan.

Shirkadaha Fidelity iyo Grayscale ayaa hadda iibsaday Bitcoin u dhiganta $180.8M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Polygon waxay 2026 ka heshay in ka badan $1.7 milyan oo ah dakhli ka soo galay khidmadaha ay qaaddo (fees).

Mugga ganacsiga suuqyada is-weydaarsi ee Kiribto ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay 2025, iyadoo CEX iyo DEX wadar ahaan gaadheen $18 tiriliyan ganacsiga spot-ka ah iyo $61 tiriliyan ganacsiga futures-ka ah, sida uu sheegay CEO-ga CryptoQuant, Ki Young Ju.

Standard Chartered ayaa hoos u dhigtay saadaasheeda muddada-gaaban ee $ETH ilaa $7,500 sanadka 2026, laakiin waxay weli halkeedii ku haysaa yoolalka muddada-dheer oo ah $30,000 sannadka 2029-ka iyo $40,000 sannadka 2030-ka.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Google ayaa ku dhawaaqday Universal Commerce Protocol (UCP) oo ah nidaam furfuran oo ay la sameeyeen Shopify, Etsy, Wayfair, Target, iyo Walmart, kaas oo u oggolaanaya AI-gu inuu si toos ah u qabto iibsiyada gudaha Search-ga iyo app-ka Gemini, isagoo adeegsanaya Google Pay.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Speira ayaa soo bandhigtay speira.ID, oo ah tiknoolajiyad cusub oo ku salaysan blockchain una shaqaysa sida passport dhijitaal ah oo alaabaha loogu talo galay.

Nidaamkani wuxuu adeegsadaa blockchain si uu u diiwaangeliyo macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan alaab kasta sida raadka kaarboonka, qaddarka dib-u-warshadaynta, iyo isku-dhafka kiimikooyinka oo dhammaantoodna ku kaydiya hal meel oo ammaan ah oo aan wax laga beddeli karin, kuna yaalla diiwaan la wadaagi karo (distributed ledger).

Noocan adeegsiga blockchain-ka ah wuxuu si weyn u wanaajin karaa daah-furnaanta iyo raad-raaca alaabaha la dirayo, isaga oo faa’iido u leh soosaarayaasha iyo macaamiisha labadaba.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article