Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 14-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.23 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.15%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 52% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damac u janjeedha.

In ka badan $694.31M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $589.03M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Elizabeth Warren waxay ugu baaqday hay’adaha sharciyeeya bangiyada inay dib u dhigaan codsiga shatiga bangi ee World Liberty Financial ilaa Donald Trump uu jaro xidhiidhka uu la leeyahay shirkadda.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Senator Cynthia Lummis ayaa ku boorrisay Kongareeska in ay ansixiyaan sharciga qaab-dhismeedka suuqa Bitcoin iyo Kiribto, iyadoo sheegtay in suuqu uusan mar dambe sugi karin cadcaddaan sharciyeed.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $753.73M
ETH: $129.99M
SOL: $5.91M
XRP: $12.98M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Raydium (RAY)

  • Coinbase ayaa lagu liis-gareyn doonaa maanta.
  • Ganacsiga spot-ka ayaa maanta toos uga furmaya Coinbase (lamaanaha RAY/USDT ayaa furan haddii shuruudaha suuqa la buuxiyo).

T. FOGO (FOGO)

  • Waxaa lagu liis-gareyn rabaa OKX iyo Bybit.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Bitcoin Miner oo si kali ah u qota (Solo Miner) Bitcoin ayaa si sax ah u xalliyay Block, abaalmarin ahaanna waxa uu u helay 3.12 BTC.

Shirkadda Circle ayaa daabacday 1B oo USDC ah.

SharpLink waxay heshay 500 ETH oo ah abaal-marinno staking ah toddobaadkii hore, taas oo wadarta guud ee ay kasbatay ka dhigaysa 11,157 ETH.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Ripple waxay heshay oggolaansho hordhac ah oo EMI (Electronic Money Institution) ah oo ka yimid Luxembourg, taasoo horumarinaysa adeegyada lacag-bixinta ee la nidaamiyey ee Midowga Yurub iyadoo la raacayo xeerarka MiCA.

Visa waxay la kaashatay BVNK si ay u dhisto kaabayaasha stablecoin-ka, taas oo u oggolaanaysa ganacsiyada inay si toos ah ugu diraan stablecoin-yada boorsadaha dhijitaalka ah (Wallets).

Pakistan iyo World Liberty Financial si ay u helaan stablecoin ku xidhan doolarka Mareykanka loogu adeegsado lacag-dirista xuduudaha ka gudba, sida ay werisay wakaaladda Reuters.

Bangiga labaad ee ugu weyn Jarmalka, DZ Bank, ayaa helay oggolaanshaha MiCAR si uu u hawlgeliyo madal Kiribto ah oo la yidhaahdo “meinKrypto,” taasoo marka hore bixin doonta BTC, ETH, LTC, iyo ADA.

Strive waxay ansixisay iibsashadeeda Semler Scientific, taas oo kordhisay wadarta Bitcoin-ka ay haystaan ilaa 12,797 BTC, kana dhigtay shirkadda tan 11aad ee ugu weyn ee shirkad ahaan Bitcoin haysata.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Microsoft ayaa soo bandhigtay istiraatiijiyad cusub oo diiradda saaraysa bulshada, iyadoo wax ka qabanaysa welwelka la xidhiidha saameynta deegaanka iyo bulshada ee xarumaha xogta AI (AI Data Centers). Shirkaddu waxay sheegtay inay maalgelin ku samayn doonto si loo hubiyo in kaabayaasha deegaanka (koronto, biyo) aysan culays ka saarmin bulshada deegaanka, maadaama baahida loo qabo awoodda AI ay sii kordheyso. Tani waxay muujineysaa korodhka kormeerka ku saabsan sida kaabayaasha AI u saameeyaan bulshooyinka xaruumaha xogta u dhow.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Polygon Labs oo kooxda ka dambeysa blockchain-ka Polygon ayaa ku dhawaaqday inay iibsanayso Coinme (shirkad Mareykan ah oo sharciyeysan oo bixisa adeegyada lacagaha Kiribto) iyo Sequence (badeecad cross‑chain ah oo ah boorso ama waa kaabe blockchain) waana heshiis isku dhafan oo qiimihiisu yahay ku dhawaad $250 milyan.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article