Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.37 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.7%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 13% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $287.95M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $166.42M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Xisbiga Dimuqraadiyiinta Aqalka Sare ee Maraykanka (Senate Democrats) ayaa dalbaday dib-u-eegis amniga qaranka ah, kadib warar sheegaya in dalka Imaaraadka Carabta uu $500 milyan ku maalgashaday saamiga shirkad Kiribto ah oo uu leeyahay Trump.
🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. BlockHub Coin ($BHC)
- Maanta ayaa lagu soo daray MEXC iyo Coinstore.
- Tani waa furitaankiisii ugu horreeyay ee ganacsi (first exchange trading window) ee token-kan.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle ayaa daabacday 2.6B oo $USDC ah toddobaadkii u dambeeyay.
Ganacsade ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee Bitcoin maalgashada ayaa Bitcoin u dhiganta $543M u wareejiyay Binance.
Ganacsade ayaa 10k BTC ku iibsaday $7,805 sannadkii 2011, waxa uuna sannadkii hore ku iibiyay $1B.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda American Bitcoin ayaa haysata 6,000 oo Bitcoin.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Elon Musk ayaa sheegay in Grok 4.2 uu soo bixi doono toddobaadka soo socda.
Shirkadda OpenAI ayaa ku eedaysay shirkadda DeepSeek ee Shiinaha inay xaddo fikradaha shirkadda Garaadka macmalka ah ee dalka Maraykanka.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Token-ka Pi oo ka tirsan mashruuca blockchain-ka ee Pi Network ayaa muujiyay korodh muuqda, iyada oo ay maalgashadayaashu u dabaaldegayaan guul muhiim ah oo ay gaadheen iyo taariikh fiican oo soo socota oo la xidhiidha horumarinta mashruuca.


