Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 16-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.84%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 22% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $667.18M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $583.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo suurtagalnimada cafis uu siiyo Keonne Rodriguez, oo ah aasaasaha Samourai Wallet.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada spot-ka ah ee SOL iyo XRP waxay arkeen qulqul lacageed oo soo galay 15-kii Diseembar, halka ETF-yada spot-ka ee BTC iyo ETH uu ka baxay maalgashi.

BTC: − $357.69M
ETH: − $224.78M
SOL: $35.2M
XRP: $10.89M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Ark Invest ee Cathie Wood ayaa 15-ka Diseembar iibsatay 550,404 oo kale oo ah saamiyada shirkadda khasnadda ETH ee BitMine, iyo 43,553 oo ah saamiyada ETF-keeda BTC.

Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyey $139.26 milyan oo $ETH ah.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

PayPal ayaa codsatay inay noqoto bangi ka diiwaangashan Mareykanka.

Shirkadda SBI Holdings ee dalka Japan iyo Startale Group ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo si ay si wadajir ah u horumariyaan stablecoin ku xidhan yen-ka Japan, waafaqsanna xeerarka maaliyadeed ee dalka Japan.

Tom Lee ayaa yidhi “Maanta kaliya 4 milyan oo boorsooyin $BTC ah ayaa haysta in ka badan $10,000, halka ay jiraan 900 milyan oo dilaallo Kiribto (Crypto brokers) iyo akoonno hawlgab ah oo caalami ah, taasoo muujinaysa in Kiribto ay yeelan karto awood korodh oo ku dhow 200 jeer.”

Wallet-ka MetaMask ayaa hadda lagu shuban karaa Bitcoin.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shir caalami ah ee oo maalmood soconaya oo ku saabsan ‘Garaadka Macmalka ah ee Mas’uulka ah’ ayaa ka furmay Jaamacadda Karnatak ee dalka Hindiya. Aqoon‑yahanno iyo khubaro AI ah oo ka socda hay’ado kala duwan (oo ay ku jiraan Shirkado caalami ah) ayaa ka doodaya sida AI si anshax leh loogu dhex dari karo waxbarashada iyo bulshada, iyaga oo diiradda saaraya habab muddo-dheer oo ku saleysan bini’aadantinimada.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Hay’adda Maamulka Maaliyadda ee UK (FCA) ayaa furtay la-tashi dadweyne oo ku saabsan xeerarka cusub ee la soo jeediyey ee shirkadaha Kiribto. Qorshaha qabyada ah wuxuu daboolayaa arrimo ay ka mid yihiin liisaska hantida ku saleysan blockchain, tallaabooyinka ka hortagga wax-ka-beddelka suuqa, heerarka madalaha ganacsiga iyo dilaallada (brokers), iyo hufnaanta khatarta ee hawlaha staking, deyn-bixinta, iyo deynsashada.

☢ 8. Xogta dhaca Kiribto

Dawladda Tajikistan waxay dambi ka dhigtay qodidda Kiribto ee aan oggolaansho lahayn ee ku xidhan isticmaalka koronto la xaday, iyadoo ganaaxyadu gaadhi karaan qiyaastii $8,200 iyo xabsi ilaa 8 sano ah.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article