Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 16-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.37 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.69%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 12% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $282M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $221.16M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Warar ayaa sheegaya in Maamulaha guud ee Ripple Labs, Brad Garlinghouse, uu qabtay xil ka tirsan guddiga talo-bixinta sharciyeynta Mareykanka, taasoo siinaysa shirkadda saameyn ay ku qaabeyn karto siyaasadaha federaalka ee Kiribto.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Dawladda Hindiya ayaa filaysa in dawladda Maraykanku ay cashuurta ka dhimi doonto oo ay 18% ka dhigi doonto.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub toddobaadkii u dambeeyay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $359.91M
ETH: – $161.15M
SOL: $13.17M
XRP: $7.65M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Maalgashade hore oo ka qayb qaatay ICO-gii Ethereum Foundation ee Ethereum ayaa dhaqdhaqaaq sameeyay kadib 10.6 sano, isaga oo isku dayay inuu 1 ETH u wareejiyo Gemini, balse uma suuragelin.

Maalgashi ahaa $443 oo markaas oo ku iibsaday 1,430 ETH ayaa hadda qiimihiisu gaadhayaa $2.81 milyan, taasoo ka dhigan 6,335 jeer (6,335x) oo faa’iido ah.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

OKX ayaa heshay ruqsadda Hay’adda Bixinta Lacagaha (Malta Payment Institution license) gudaha Malta, taasoo u oggolaanaysa inay bixiso adeegyada lacag bixinta stablecoins-ka si waafaqsan dhammaan sharciyada European Union.

Suuqyada stablecoins-ka waxaa ku soo biiray $5.5B toddobaadkii u dambeeyay.

Kevin O’Leary ayaa ku guuleystay $2.8 milyan dacwad sumcad-dil (defamation) ah oo uu ka gudbiyay Bitboy Crypto.

Shirkadda Strategy ee uu hoggaamiyo Michael Saylor ayaa shaacisay in ay awoodi karto inay u adkeysato hoos u dhac 88% ah oo ku yimaada qiimaha Bitcoin oo ilaa $8,000 gaadhsiiya, isla markaana ay weli haysan doonto hanti ku filan si ay si buuxda ugu daboosho deymaheeda.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Aasaasaha OpenClaw, Peter Steinberger, ayaa ku biiray OpenAI.

Maamulaha guud ee OpenAI, Sam Altman, ayaa sheegay: “Barnaamijka OpenClaw wuxuu ku jiri doonaa hay’ad (foundation) isagoo ah mashruuc open source ah oo OpenAI ay sii wadi doonto taageeradiisa.”

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article