Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.96 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.32%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $188.81M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $103.28M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu Maanta wareysi la yeesho Christopher Waller oo taageersan Kiribto, si loogu daro murashaxiinta xilka Guddoomiyaha Fed, sida uu sheegay wargayska WSJ.
Bangiga Dhexe ee Kanada wuxuu oggolaan doonaa oo keliya stablecoins tayo sare leh oo ku xidhan lacagaha bangiyada dhexe marka xeerarka cusub la hirgeliyo, kuwaas oo la filayo inay dhaqan galaan sanadka 2026.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada spot-ka ah ee SOL iyo XRP waxay la kulmeen qulqul lacageed oo soo galay 16-kii Diseembar, halka ETF-yada spot-ka ee BTC iyo ETH uu ka baxay maalgashi.
BTC: – $277.09M
ETH: – $224.26M
SOL: $3.64M
XRP: $8.54M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda BitMine ee Tom Lee ayaa iibsatay Ethereum qiimihiisu yahay $140.58 milyan.
Glassnode ayaa sheegtay in boorsooyinka haysta 100–1,000 $BTC ay toddobaadkan iibsadeen 54,000 $BTC (qiyaastii $4.66 bilyan), taas oo ah heerkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee iibsi tan iyo 2012.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
BitMine hadda waxay haysataa 3.86M $ETH waxayna sii waddaa ururinta inkastoo ay jiraan calaamado muujinaya in suuqu galay xaalad khatar ah.
Exodus waxay la shuraakoobaysaa MoonPay si ay u soo saarto stablecoin dollar dhijitaal ah oo ku xidhan Dollarka Maraykanka, iyadoo la adeegsanayo kaabeyaasha M0.
Mastercard waxay balaadhisay bixinta lacagaha blockchain iyo stablecoin ee Bariga Dhexe iyada oo loo marayo iskaashi cusub oo ay la yeelatay ADI Foundation.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
OpenAI waxay ku jirtaa wadahadallo ay ku doonayso inay ka hesho maalgelin ka badan $10 bilyan Amazon, waxayna qorshaynaysaa inay qaadato oo isticmaasho chips-ka AI ee Amazon, sida uu sheegay wargayska The Information.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Visa ayaa ku dhawaaqday hawlgal cusub oo u oggolaanaysa bangiyada Mareykanka inay macaamilada ku fuliyaan isticmaalka stablecoin-ka USDC ee ku xidhan dollarka, iyadoo lagu shaqeynayo blockchain-ka Solana. Tallaabadani waxay ujeeddadeedu tahay in la fududeeyo, la dedejiyo, isla markaana la adkeeyo amniga wareejinta lacagaha (xitaa maalmaha fasaxa) waxayna muujineysaa isku-dhafnaan qoto-dheer oo ka dhexeysa kaabayaasha dhaqaalaha dhaqameed iyo blockchain-ka.
☢️ 8. Xogta dhaca Kiribto
Kadib warbixino ku saabsan wakiillo been abuur ah oo liis-gareynta ugu qaabilsanaa Shirkadaha wax dhaca, aasaasaha Binance, He Yi ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lagu siinayo cidda keenta caddayn ku saabsan dambiyada la xidhiidha khiyaamooyinka ku saabsan liis-gareynta.


