Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 17-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.33 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.86%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 13% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $216.18M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $141.77M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Deynta Qaranka ee dawladda Maraykanka ayaa la saadaalinayaa inay korodho qiyaastii $2.4 tiriliyan sanadkii, tobanka sano ee soo socda, iyadoo gaadhi doonta heer rikoodh ah oo $64 tiriliyan ah sanadka 2036, taasoo saddex laab ka badan heerkii ay ahayd sanadkii 2018

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Guddiga Fed ayaa suuqa soo gelin doona $16B toddobaadkan.

Madaxweynaha bangiga dhexe ee Deutsche Bundesbank ayaa ku baaqay stablecoins ku xidhan euro-ga iyo lacag dhijitaal ah ee bangiga dhexe (retail CBDC) si loo yareeyo ku tiirsanaanta Maraykanka iyo nidaamyada lacag-bixinta ku saleysan dollarka.

🐋 2. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dawladda El-salvador oo maalin walba iibsata Bitcoin ayaa hadda haysata Bitcoin u dhiganta $513M.

🚀 3. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Hantida ma guuraanka ah ee lagu diiwaangeliyey Blockchain-ka Ethereum ayaa qiime suuqeedkeeda guud kor u dhaafay $15B, waa korriin dhan 200% oo sannadle ah.

Robert Kiyosaki ayaa yidhi “ waxaan sugi kari la’ahay hoos u dhaca weyn ee suuqa Kiribto ee soo socda si aan u iibsado Bitcoin, halka dadku ay argagaxa awgii isaga iibinayaan Bitcoin “.

Crypto.com ayaa noqotay madashii ugu horreysay ee hanti dhijitaal ah ee hesha shahaadada amniga AI ee ISO/IEC 42001:2023, taasoo muujinaysa heerkeeda sare oo ilaalin iyo maarayn amni oo la xidhiidha nidaamyada Garaadka macmalka ah.

🤖 4. AI iyo Web 3.0

Meta Platforms ayaa heshay rukhsad (patent) tiknoolajiyad AI ah oo matali doonta hab-dhaqankii baraha bulshada ee isticmaaleyaasha dhintay, isla markaana sii wadi doonta qorista farriimaha, post-yada, iyo fariin dirista iyaga oo matalaya ruuxii dhintay.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article