Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.96 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.21%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 22% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $595.97M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $386.85M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono guddoomiyaha xiga ee Federal Reserve (Fed), isagoo ku tilmaamay “qof si weyn u aaminsan hoos u dhigista heerka dulsaarka.”
Federal Reserve ayaa ka noqday siyaasaddii 2023 ee ka hor istaagtay bangiyada aan caymisnayn inay la macaamilaan Kiribto, taasoo furaysa waddo cusub oo horumar ah.
Dawladda Kyrgyzstan ayaa daah-furtay USDKG, oo ah stablecoin ku xidhan doolarka Mareykanka (USD) balse lagu taageeray dahab la taaban karo halkii laga isticmaali lahaa kayd lacageed oo caadi ah.
Bangiga Dhexe ee Ingiriiska ayaa hoos u dhigay heerka dulsaarka 25 dhibcood, isagoo ka dhigay 3.75% oo ah sidii la filayay.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
BTC, SOL iyo XRP spot ETFs ayaa helay qulqul lacag maalgashi ah oo soo gashay 17-ka Diseembar, halka ETH spot ETFs uu maalgashi ka baxay.
BTC: $457.3M
ETH: – $22.4M
SOL: $11M
XRP: $8.54M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Ganacsadaha weyn ee 1011 ayaa kordhiyay trade-kiisa ETH oo Buy u galay, hadda wuxuu haystaa 203,340 ETH oo qiimahoodu yahay $578 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Coinbase ayaa ka bilawday Maraykanka ka ganacsiga suuqa saamiyada.
Bhutan waxay qorshaynaysaa inay isticmaasho 10,000 oo $BTC ah oo ka mid ah kaydkeeda qaran si ay uga caawiso horumarinta Gelephu Mindfulness City, oo ah xarun dhaqaale oo casri ah kuna shaqaysa Kiribto.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
OpenAI ayaa ka iibisay in ka badan 700,000 rukhsadood oo ChatGPT ah jaamacadaha Mareykanka. Celcelis ahaan, arday kasta wuxuu adeegsadaa qalabkan ku dhowaad 170 jeer bishii, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
BNB Chain ayaa ku dhawaaqday in stablecoin cusub oo loogu talagalay in uu xoojiyo liquidity-ga ee barnaamijyada lagaga ganacsado Kiribto ee waaweyn waxa uuna ka bilaaban doono shabakadeeda.
☢️ 8. Xogta dhaca crypto
Wasaaradda Caddaaladda ee Taiwan ayaa shaacisay inay haysato 210.45 $BTC oo ah hanti lagu qabtay dambiyo, sida uu sheegay xildhibaan Ju-Chun Ko.
Qiimaha guud ee hantida dhijitaalka ah ee la qabtay wuxuu gaadhayaa NT$1.30 bilyan.


