Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 2-da Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.03 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.94%.

Fear andGreed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $208.81M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $171.20M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Shiinaha si rasmi ah ayuu u soo rogay xaddidaadaha dhoofinta ee lacagta Qalinka (silver).

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Turkmenistan ayaa si rasmi ah aya u sharciyeeysay qoditaanka (mining) Kiribto iyo is-weydaarsiyadiisaba , iyadoo la hoos geynayo kormeerka bangiga dhexe.

🪙3. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

B. AI Avatar (AIAV)

  • Waxaa maanta lagu diiwaangeliyay Binance & Bitget.
  • Ganacsiga AIAV/USDT wuxuu bilawday maanta 1:00 xilliga bariga Afrika.

T. CodexField (CODEX)

Waxaa maanta lagu daray Gate.io, BitMart & MEXC.

  • Ganacsiga spot-ka wuxuu bilawday maanta 1:00 xilliga bariga Afrika.
  • Waxaa laga heli karaa exchanges badan.

J. HODL (HODL)

  • Waxaa maanta lagu daray MEXC, HODL/USDT wuxuu suuqa soo galay maanta 3:00 xilliga bariga Afrika.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

BlackRock ayaa dhawaan u wareejisay $101.4 milyan oo Bitcoin ah iyo $22.1 milyan oo ETH ah Coinbase.

Kaydka Chainlink ayaa iibsaday 94,267.77 $LINK, isagoo u kordhiyay guud ahaan hantida uu hayo ilaa 1,416,379.61 $LINK.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bithumb ayaa shaacisay in $200M oo Kiribto ah ay ku jiraan 2.6 milyan akoon oo aan firfircoonayn, taasoo muujinaysa hanti badan oo aan weli la taaban oo ka hadhay wareegyadii bull-run-ka ee hore.

Ururinta xogta canshuurta Kiribto ayaa ka bilaabatay 48 dal si loogu diyaar-garoobo hirgelinta Crypto-Asset Reporting Framework (CARF) oo ah nidaam lagu gudbinayo isla markaana lagu diiwaangelinayo xogta adeegsadayaasha Kiribto sannadka 2027-ka.

Nidaamka RWA ee Solana wuxuu gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid ee $873M iyadoo hantida tokenized-ka ah ay sii ballaadhinayso shabakaddu.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Madaxa AI ee Meta, Alexandr Wang, ayaa sheegay arin xiiso leh oo muhiim ah oo ku saabsan mudnaanta mustaqbalka — isagoo muujinaya in AI iyo Tiknoolajiyadda neerfaha (sida Neuralink ee uu leeyahay Elon Musk) ay qayb ka yihiin yoolalka nolosha ee fog inta uu qoys bilaanna ay tahay in lagu tababaro tiknoolajiyaddaas, tani waxay noqotay mid ka saarta AI kaliya inuu ahaado adeeg tiknoolajiyadeed waxa ayna gaadhsiisay heer uu ku milmi doono dhaqanka bani’aadamka.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Agaasimaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa faahfaahiyay mudnaanta 2026 oo ay ka mid yihiin ballaadhinta suuqooda caalamiga ah, kobcinta stablecoins iyo nidaamyada lacag-bixinta, iyo dhiirrigelinta isticmaalka on-chain iyada oo loo marayo Blockchain-ka Base.

☢️ 8. Xogta dhaca Kiribto

ZachXBT wuxuu soo sheegay boqolaal boorsooyin oo laga xaday lacag, midkiiba in ka yar $2K, iyadoo ilaa hadda la xaday in ka badan $107K, sababtana weli lama garan.Khasaaraha ka dhashay jabsiga akoonnada Kiribto ayaa hoos uga dhacay 60% bishii Diseembar, isagoo gaadhay $76 milyan, laga soo bilaabo $194.2 milyan bishii Nofeembar, sida uu sheegay PeckShield.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article