Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.15%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 57% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $245.57M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $171.37M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Donald Trump ayaa sheegay inuusan ku jirin wax cadaadis ah si uu heshiis ula gaadho Iran, isla markaana uu filayo in arrintu si degdeg ah u dhacdo, isagoo ku adkaystay in Maraykanku uusan ku degdegi doonin shuruudo aan sax ahayn.
Trump ayaa soo qoray “Iiraan waxay jabisay xabbad-joojinta marar badan“.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa maalinkii shalay soo gashay hanti ama maalgashi cusub.
BTC: $238.37M
ETH: $67.77M
SOL: $3.28M
XRP: $3.00M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Tirada $USDT ee ku jirta Tron ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $86.7B.
Suuqyada saamiyada ee South Korea ayay soo gashay maalgelin dhan $809B, 21-kii maalin ee ugu dambeeyay.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
12 bangi oo ka dhisan Yurub ayaa adeegsaday Fireblocks si ay u dhisaan stablecoin Euro ku xidhan oo u hoggaansan xeerarka MiCA, iyadoo la qorsheynayo in la bilaabo qeybta labaad ee 2026.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
La qabsiga AI ee shaqaalaha Maraykanka ayaa gaadhay 50% rubuca koowaad ee 2026, iyadoo labanlaab ka badan 3-dii sano ee la soo dhaafay.
Shirkadda Jeff Bezos ee AI lab, Project Prometheus, ayaa ku dhow inay soo af-jarto maalgelin dhan $10 bilyan iyadoo lagu qiimeynayo $38 bilyan, diiradduna tahay AI loogu talagalay warshadaha.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Haayadaha Securities and Exchange Commission (SEC) iyo Commodity Futures Trading Commission (CFTC) ayaa soo saaray hagitaan wadajir ah oo cusub oo qeexaya sida hantida ku saleysan blockchain loo kala aqoonsan doono.
Hantida Kiribto hadda waxaa loo qaybiyay qaybo sida digital commodities, stablecoins, tools, iyo securities.
Qaab-dhismeedkan wuxuu ka caawinayaa horumariyeyaasha blockchain iyo madalaha inay fahmaan sida tokens-kooda loo aqoonsan doono iyo xeerarka ay tahay inay raacaan.
☢️ 8. Xogta dhaca Kiribto
Cid Boolis iska dhigaysa oo ku sugan Fransiiska ayaa la sheegay inay ku qasbeen lammaane inay wareejiyaan ku dhowaad $1 milyan oo Bitcoin ah.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


