Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 22-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.62 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.2%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 62% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $421.40M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $290.87M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Donald Trump ayaa yidhi “Iran ma rabto in Marinka Hormuz xidhnaado, waxay rabaan inuu furnaado si ay u sameeyaan $500 milyan oo doolar maalintii (taas oo micnaheedu yahay in ay luminayaan intaas haddii la xidho!).

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Ruushka ayaa ansixisay akhrinta koowaad ee sharci nidaaminaya lacagaha dhijitaalka ah iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal shati haysta, taasoo fureysa suurtagalnimada ganaaxyo loogu talagalay shirkadaha aan shatiyeysneyn.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa maalinkii shalay soo gashay hanti ama maalgashi cusub, Marka laga reebo kuwa Solana iyo XRP.

BTC: $11.84M
ETH: $43.36M
SOL: $0M
XRP: $0M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. CHIP (USD.AI)

CHIP ayaa si rasmi ah loogu daray HTX taariikhdu markay ahayd Abriil 21, 2026, taasoo ka dhigaysa token AI infrastructure ah oo cusub oo si toos ah ugu soo biiray suuqa Kiribto.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine ee Tom Lee ayaa stake-gareysay 61,232 Ethereum ($142M), taasoo ka dhigaysa wadarta ETH ee la stake-gareeyay 3.39M ETH ($7.88B), una dhiganta 68% guud ahaan hantideeda.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Strategy ayaa ka kor martay ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ee IBIT si ay u noqoto hay’adda ugu weyn ee haysa Bitcoin, iyadoo haysata 815,061 $BTC.

Waxaa hoos u sii dhacaya tirada Bitcoin-ta taalla suuqyada is-weydaarsi.

Elon Musk ayaa ah qofka ugu taajirsan adduunka isagoo haysta $839 bilyan, taasoo ka badan 3 jeer hantida qofka labaad ee ugu taajirsan, sida ay sheegtay wakaaladda Forbes.

Bangiyada dhexe ee caalamka ayaa hadda haysta ku dhowaad 38,666 tan oo dahab ah, taasoo u dhiganta qiyaastii 17% dhammaan dahabka abid la soo saaray, taasoo ka dhigaysa kuwo door weyn ka ciyaara suuqa dahabka ee adduunka.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda OpenAI ayaa ku jirta wadahadallo ay ku bixinayso ilaa $1.5 bilyan oo qayb ka ah maalgelin dhan $10 bilyan, taas oo loogu talagalay in AI lagu dabaqo shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida uu sheegay wargayska Financial Times.

Shirkadda Meta Platforms ayaa la sheegay inay ku rakibi doonto software la socod ah kombiyuutarrada shaqaalaha dawladda Maraykanka si loo ururiyo xog ku saabsan shaqo-qabashadooda, taas oo loo adeegsan doono tababarka AI.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Mastercard ayaa ku biirtay “Blockchain Security Standards Council” iyadoo ah xubin aasaasi ah.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article