Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.59 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.07%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 59% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $303.12M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $152.12M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Pentagon-ka ayaa sheegay in ay qaadan karto lix bilood in si buuxda looga nadiifiyo Marinka Hurmuz miinooyinka ay dhigeen ciidamada Iiraan.
Dawladda gobolka Florida ayaa bilowday baadhitaan dambiyeed oo ku saabsan OpenAI iyo ChatGPT kadib warar sheegaya in AI-ga loo adeegsaday tuhmane ku lug lahaa toogashadii Florida State University, sida ay sheegtay wakaaladda Reuters.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa maalinkii shalay soo gashay hanti ama maalgashi cusub.
BTC: $335.8M
ETH: $96.4M
SOL: $0M
XRP: $2.42M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Bitmine ee Tom Lee ayaa iibsatay Ethereum u dhiganta $233.7M.
H100 Group AB ee Sweden ayaa saxiixday heshiis rasmi ah si ay u kordhiso kaydkeeda Bitcoin ilaa ku dhowaad 3,500 $BTC, iyadoo markii hore haysatay 1,051 BTC.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda American Bitcoin ayaa iibsatay 11,298 qalab oo ASIC miners ah, taasoo kordhisay awooddeeda qodidda Kiribto 12% ilaa 89,242 mashiinna way haysataa.
Binance ayaa gaadhay $1.09 tirilyan oo mug ganacsi ah sanadka 2026, iyadoo kaliya 112 maalmood ay ka soo wareegtay bilowga sanadka.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
16 bangi oo waaweyn oo ka dhisan Taiwan ayaa iska kaashanaya dhismaha moodel AI maaliyadeed oo u gaar ah, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta madalaha caalamiga ah ee aan lahayn faham ku filan oo ku saabsan xeerarka iyo suuqa maxalliga ah.
Shirkadda SoftBank ayaa raadineysa deyn dhan $10 bilyan oo lagu dammaanad qaadayo saamiyadeeda OpenAI si ay u maalgeliso ballaadhinta adeeggeeda dhinaca AI.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


