Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 27-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.59 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.31%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $294.83M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $167.87M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Maraykanka ayaa bilawday inay aqbasho caawimaadaha si ay u daboosho deynta lagu leeyahay oo dhan $39T.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Trump ayaa maanta qaban doona shir lagaga arrinsanayo Iiraan iyo marinka Hurmuz.

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa toddobaadkii tagay soo gashay hanti ama maalgashi cusub.

BTC: $823.7M

ETH: $155.01M

SOL: $9.44M

XRP: $15.74M1

🚀 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda CoinShares ayay soo gashay hanti dhan $1.2B oo Kiribto ah, iyada oo guud ahaan hantida ay maamusho gaadhay $155B.

Guddiga hantida hawl-gabaalka ee macaliminta gobolka Ohio ee Maraykanka ayaa shaacisay inay haysato 93,750 saamiyo oo MicroStrategy (MSTR).

🤖 5.Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qof ka shaqeeya horumarinta ama samaynta barnaamijyada Kiribto ayaa soo bandhigay qorshe dib loogu qaybinayo hantida Bitcoin ee Satoshi Nakamoto.

Cilmi-baadhis ayaa lagu ogaaday in 35% maalgashadayaasha reer Yurub in bangiga ay ka guuri karaan haddii uu bixinayn adeegyada Kiribto.

🔗 6. AI iyo Web 3.0

Sam Altman oo ah Maamulaha OpenAI, ayaa daabacay shanta mabda’ ee aasaasiga ah ee hagaya himilada shirkadda.

Waxaana ka mid ah mabda’yadaas dimuqraadiyayn, Awoodeynta bulshada, barwaaqo sooranka, xasilloonida, iyo fududaynta la-qabsiga bulshada.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article