Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 30-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.05%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $472.88M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $360.78M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

GDP-ga Maraykanka oo la filayay inuu noqdo 2.2% saddexdan bilood ee u horreysa 2026 ayaa ku soo baxay 2% oo ka yar intii la filayay.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Scott Bessent, Xoghayaha Maaliyadda, ayaa yidhi: “Kevin Warsh wuxuu keeni doonaa horumar cusub oo ka hirgala Fed, iyadoo isla-xisaabtan, maamul wanaagsan, iyo siyaasado sax ah ay hoggaamin doonaan horumarkaas.”

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo kuwa Ethereum ayaa lumiyay maalgashi, halka ETF-yada XRP ay heleen maalgashi cusub.

BTC: -$137.77M
ETH: -$87.73M

XRP: $3.59M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Ark Invest ayaa iibsatay $39M oo saamiyada Robinhood ah, sidoo kale waxay iska iibisay $6M oo ah ETF-yada Bitcoin.

Shirkadda Bitmine ee Tom Lee ayaa iibsatay 65,000 Ethereum oo qiimahoodu yahay $147M 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo ku dartay 20,000 ETH ($44.8M) iibsigeedii ugu dambeeyay.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Eric Trump oo hadlayay ayaa yidhi “waxaan ku jirnaa xilligii ugu fiicnaa taariikhda Kiribto“.

Lacagta ay ganacsiyadu isku dirayaan ayaa ka ah 60% mugga stablecoins-ka la is-weydaarsado sannadkii.

Bangiyada dhexe ayaa iibsaday 244 tan oo dahab ah rubuca koowaad ee 2026, taasoo ah xawaaraha ugu dhaqsaha badan ee iibsasho muddo ka badan hal sano, waxaana hormuud ka ahaa Poland, Uzbekistan iyo China.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Suuqa saamiyada ee Nvidia ayaa ka qiime suuqeed weyn dhammaan suuqa saamiyada ee dalka Hindiya.

Shirkadda Stripe ayaa soo bandhigtay AI agent sameynaya lacag bixin isaga oo aan shaacin xogta adeegsadaha.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Blockchain-nada Ethereum iyo hyperliquid ayaa hoggaaminaya faa’iidada maalinlaha ah ee ay ka heleen khidmadaha xawilaadda.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article