Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 30-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.12%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $187.03M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $128.07M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Cynthia Lummis waxay tidhi Xeerka Hal-abuurka Maaliyadeed (Financial Innovation Act) ee 2026 “wuxuu si cad u kala soocayaa waxa ah securities iyo waxa ah commodities.”

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Tani waxay u oggolaanaysaa mashruucyada Kiribto ee sharciyaysan inay koraan, iyadoo isla mar ahaantaana la ilaalinayo maalgashadayaasha.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $19.29M
ETH: – $9.63M
SOL: $2.93M
XRP: $8.44M

  🪙 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

B. Yield Basis (YB)

  • Maanta ayaa si toos ah loogu liis-gareeyay Upbit iyadoo lagaga ganacsan karo lammaanaha YB/BTC & YB/USDT.
  • Upbit waxay bilowday ganacsiga horraantii maanta.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

BitMine waxay kordhisay kaydkeeda Ethereum iyadoo iibsatay 44,463 $ETH oo qiimahoodu yahay $130 milyan.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Suuqa saamiyada ee la Tokenize-gareeyay (saamiyo dhijitaal ah oo ku shaqeeya blockchain) ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid oo ah $1.2 bilyan, sida ay sheegtay Token Terminal.

Maalqabeenka Grant Cardone wuxuu qorsheynayaa inuu shirkaddiisa dadweynaha u soo bandhigo (IPO) sanadka 2026, isagoo hiigsanaya inuu dhiso shirkadda ugu weyn dunida ee isku xidha Bitcoin iyo hantida maguurtada ah (real estate).

Kaarka (Card) “U cards” ayaa si qarsoodi ah ugu fududaynaya isticmaaleyaasha Shiinaha inay adeegsadaan Kiribto, halka yuan-ka dhijitaalka ah uu hadda bilaabay inuu bixin karo dulsaar (interest) marka lagu keydiyo bangiyada — taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku socda nidaamka lacagta dhijitaalka ah ee dalkaas.

Qiimaha Silver-ka Shanghai ayaa gaadhay 80% oo ah meeshii ugu sarreysay abid.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Geoffrey Hinton wuxuu ka digay in AI-gu uu si ka dhakhso badan intii la filayay u horumarayo, isla markaana ay beddeli karto bulshada heer la mid ah Kacaankii Warshadaha (Industrial Revolution).

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Blockchain-ka Aptos oo ah blockchain ay wada-asaaseen injineerro horey uga tirsanaa Meta ayaa hadda aad uu u kordhay adeegsigiisa Hindiya, halkaas oo in ka badan kala badh (50%) oo ah ku dhowaad 20 milyan oo boorsooyin firfircoon ah bil kasta uu ku leedahay dalkaas.

Korodhkani waxa uu si toos ah ula xiriidhaa iskaashi ay la gashay shirkadda isgaarsiinta ee Jio, taasoo muujinaysa sida blockchain-ku ugu faafayo isticmaalka caadiga ah iyo koboca nidaamyada Web3 ee suuqyada soo kobcaya.

☢️ 9. Xogta dhaca crypto

ZachXBT ayaa kashifay qof iska dhigaya shaqaalaha caawimaadda ee Coinbase, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka xaday isticmaalayaasha $2 milyan isagoo adeegsanaya khiyaano bulsho (social engineering) oo uu u adeegsaday Telegram iyo baraha bulshada.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article