Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.8%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $127.52M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $64.25M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Kulankii FOMC waxay muujiyeen in Fed-ku uu jaray dulsaarka 25 dhibcood (bps) 9-kii Diseembar kadib cod-bixin kala qaybsan oo ahayd 9-3, iyadoo sicir-bararku taagan yahay 2.8% islamarkaana ay kordhayaan khataraha hoos-u-dhaca ee shaqooyinka.
Qiyaasaha Fed-ku waxay muujinayaan in sicir-bararku gaadhi doono 2% sanadka 2028.
Tani waxay muujinaysaa in lagu kala qaybsanaa fikirka iyada oo shaki gelinaysaa go’aannada ka soo bixi doona shirkooda soo socda ee Janaayo.
UK waxay qorshaynaysaa inay u nidaamiso Kiribto sida maaliyadda dhaqameed marka la gaadho 2027, iyadoo hirgelin doonta nidaam buuxa oo ruqsad-siin ah oo FCA ah oo khuseeya ganacsiga, kaydinta (custody), iyo staking-ka. Sidoo kale, waxaa jiri doona dib-u-eegis lagu samaynayo xeerarka, taas oo beddeli karta sharciyada ku saabsan deeqaha siyaasadeed ee lagu bixiyo Kiribto.
Shiinuhu wuxuu joojinayaa dhoofinta silver-ka laga bilaabo berri. Maadaama uu yahay soosaareha labaad ee ugu weyn dunida, tallaabadan waxay ka saareysaa ku dhowaad 13% tirada caalamiga ah ee suuqa Silver-ka.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.
ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.
BTC: $355.02M
ETH: $67.84M
SOL: $5.21M
XRP: $15.55
ETF-yada $XRP ayaa 30 maalmood oo xidhiidh ah helay maalgashi cusub oo marna maalgashi ka bixin.
🪙 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
B. FDGCFINTECH DIGITAL GOLD COIN
- Waxaa 7 saacadood ka hor lagu daray CoinCodex — taas waxay muujinaysaa inuu mar dhow la bilaabayo ganacsiga ama la liis-gareeyn doono.
T. EXARION (EXARION)
- Waa token cusub oo la soo bandhigay 19 saacadood ka hor, taasoo ka dhigaysa mid fursad laga heli karo.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Bitmine waxay iibsatay 32,938 $ETH oo qiimahoodu yahay $97.6M si ay ugu darto kaydkeeda, waxayna maanta sidoo kale staking gelisay 118,944 $ETH oo qiimahoodu yahay $352.16M.
SharpLink hadda waxay ka faa’iiddaa celcelis ahaan 500 $ETH usbuucii iyada oo ka helaysa staking-ka Ethereum.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda daawooyinka ee David Beckham ayaa joojisay barnaamijkii ay ku iibsanaysay Bitcoin si ay diiradda u saarto ballaadhinta wax-soo-saarkeeda nafaqada ee IM8, iyadoo haysata 510 $BTC balse joojisay wax ururin dheeraad ah.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Saadaal cusub ayaa muujinaysa in la qabsiga sii kordheya ee AI ee bangiyada Yurub gaar ahaan adeegyada macaamiisha otomaatiga ah, ogaanshaha khiyaanada, iyo ka hortagga khatarta, ayaa khatar gelin karta in ka badan 200,000 oo shaqo oo ka tirsan qaybahan aan soo sheegnay sannadka 2030. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa sida AI u beddelayso doorarka dhaqameed ee maaliyadda, iyadoo lagu baaqayo bangiyada dib-u-tababar inay u sameeyaan shaqaalaha si looga caawiyo inay u gudbaan xirfado cusub.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Changpeng Zhao (CZ), oo ahaa agaasimihii hore ee Binance, ayaa sheegay in Pakistan ay noqon karto xarun caalami ah oo Kiribto iyo blockchain ah marka la gaadho 2030 haddii dalka uu sii wado horumarinta kaabayaasha iyo siyaasadaha taageeraya hantida dhijitaalka ah iyo tiknoolajiyada la decentralize-gareeyay.


