Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 6-da Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.22 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.83%.

Fear andGreed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $414.81M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $336.57M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Xildhibaan Torres ayaa soo jeediyay sharci ka mamnuucaya mas’uuliyiinta federaalka inay ka faa’iidaystaan xog sir ah (inside information) marka ay ka ganacsanayaan suuqyada saadaasha (prediction markets), kadib muranka ka dhashay khamaarradii la xidhiidhay soo qabashada Madaxweynaha Venezuela sida looga faa’iday.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Shirkadaha Kiribto ayaa ugu deeqay $21 milyan PAC oo taageera Trump ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, iyadoo Gemini iyo Crypto.com ay hoggaaminayaan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $697.25M
ETH: $168.13M
SOL: $16.24M
XRP: $46.10M

Hantida ay maamulaan (AUM) ETF-yada Solana ayaa ka gudbay $1 bilyan, iyadoo Bitwise (BSOL)oo maamula $681 milyan uu hoggaanka u hayo.

🪙 4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

B. Patos Meme Coin ($PATOS)

  • waxaa si firfircoon loogu iibinayaa presale, iyadoo la xaqiijiyay xiisaha maalgashadayaashu u qabaan iyo qorshayaasha liis-gareynta, waxaa la filayaa inuu dhowaan suuqa wada gaadho.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Bitmine waxay mar kale stake-gareysay 186,336 ETH oo qiimahoodu yahay $604.5 milyan, taasoo wadarta Ethereum-ka ay stake-gareeyeen ka dhigtay 779,488 ETH oo lagu qiimeeyo $2.52 bilyan.

Bishan Janaayo shirkadda Circle waxay daabacday 1.25B oo $USDC ah.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bangiga maalgashi ee Morgan Stanley waxay u gudbisay SEC file-ka S-1 ee Bitcoin iyo Solana Trust.

$240B oo maalgashi ah ayaa suuqa Kiribto soo gashay tan iyo 1-dii Janaayo.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Samsung ayaa ballaadhinaysa isku-darka Gemini AI ee Google iyo qalabka ay soo saarto, taasoo xoojineysa dhaqdhaqaaqa moodeelka sanadka cusub. Iskaashigan qotada dheer wuxuu ujeedkiisu yahay inuu horumariyo khibradda isticmaayaasha iyadoo la adeegsanayo astaamo AI leh hal-abuur horumarsan oo ku jira qalabka Samsung, taasoo muujinaysa tartanka iyo hal-abuurnimada sii kordheysa ee deegaanka AI-ga loogu talo galay shaqsiyaadka macaamiisha ah.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Aasaasaha Ethereum, Vitalik Buterin wuxuu adkeeyay fikradda ah in shabakadda aan loo dhisin hufnaan ama fudayd, balse loogu talagalay xorriyad iyo adkaysi (resilience).

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article