Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 7-da Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.16 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.48%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $465.10M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $312.52M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Tim Scott, Guddoomiyaha Guddiga Bangiyada ee Senate-ka, ayaa ku dhawaaqay in codaynta (markup) sharciga qaab-dhismeedka suuqa la qaban doono Khamiista, 15-ka Janaayo.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa u asteeysay Jimcaha inuu noqon karo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka ku saabsan canshuuraha caalamiga ah (tariffs) ee Donald Trump.

David Sacks ayaa la kulmay senatarro Mareykan ah si uu u taageero horumarka sharciga qaab-dhismeedka suuqa Bitcoin iyo guud ahaan Kiribto.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub marka laga reebo Bitcoin.

BTC: – $243.24M
ETH: $114.74M
SOL: $9.22M
XRP: $19.12M

Bangiga Morgan Stanley oo ku fadhiya hanti idil $1.67T ayaa gudbiyay codsi uu ku rabo ETF Ethereum ah.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada cusub

B. ZenChain (ZTC)

  • Ganacsiga Pre-Market wuxuu bilaabanayaa maanta MEXC.

T. Brevis (BREV)

  • Is-weydaarsiga Gate ayaa lagu liis-gareeyay maanta ayuuna ka soo muuqan doona trackers-ka suuqa.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda GTreasury ee Ripple ayaa iibsatay Solvexia si ay u ballaadhiso awoodaha isu-dheellitirka otomaatiga ah iyo warbixinta sharci ahaan loo baahan yahay.

XRP waxaa CNBC u bixisay “Lacagta Kiribto ee ugu dhaqaaq fiican 2026-ka” kadib markii uu kacay 25% usbuucii ugu horreeyay sanadka, taasoo ay sabab u yihiin qulqulka xooggan ee ETF-yada, dareen suuq oo rajo leh, iyo hoos u dhaca kaydka XRP ee suuqyada is-weydaarsi.

Soo-saareyaasha stablecoins-yada ayaa 2025 ka kasbaday ku dhowaad $5 bilyan dakhli ka yimid adeegsiga shabakadda Ethereum, sida uu sheegay Token Terminal.

Lacagta Qalinka (Silver) ayaa ka sare maray NVIDIA marka la eego qiimaha guud ee suuqa, iyadoo noqotay hantida labaad ee ugu qiimaha badan dunida oo gaadhay $4.63 tiriliyan, kana hooseysa dahabka (Gold) oo ah $31.34 tiriliyan.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Kooxda The Trencher ee $OPUS ayaa bilawday AI is-hagaajinaysa oo madax-bannaan oo ku shaqeeya Claude, si uu 24/7 ugu shaqeeyo token-nada pumpdotfun oo uu ugu sameeyo maalgashi otomaatig ah.

xAI oo ah shirkadda AI ee uu aasaasay Elon Musk ayaa heshay $20 bilyan maalgelin ah.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Kooxda Lloyds Banking Group waxay horumarinaysaa tokenization ku saleysan blockchain si loo casriyeynayo nidaamyada bangiyada Britain.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article