Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.08 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.5%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 43% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $474.24M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $429.22M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Senator Cynthia Lummis waxay sheegtay in sharci-dejiyayaasha Mareykanka ay ku dhow yihiin inay gaadhaan heshiis ku saabsan xeerarka qaab-dhismeedka suuqa Kiribto.
Wyoming waxay noqotay gobolka ugu horreeya ee Mareykanka ee soo saara stablecoin, iyadoo stablecoin-ka $FRNT lagu daray shabakadda Solana.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay Ka baxay hanti horey loogu maalgashaday, marka laga reebo SOL oo iyadu natiijo togan ku jirta haba yaraato e’.
BTC: – $486.1M
ETH: – $98.3M
SOL: $1.97M
XRP: – $40.8M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada cusub
B. MECCA (MEA)
- Maanta ayaa lagu soo liis-gareeynayaa BitMart, isaga oo lagaga ganacsan karo magaca MEA/USDT.
T. BYTE (ByteNova / BYTE)
- Maanta ayay bilaabanaysaa liis-gareeyntu waxaana lagu soo bandhigayaa Bitget, magaca uu wataana waa BYTE/USDT.
J. Solana Mobile ayaa lagu wadaa inay soo saarto token-keeda SKR 21-ka Janaayo.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Bitmine waxay mar kale stake-gareysay 109,504 ETH oo qiimahoodu yahay $344.44M, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee ETH-ka ay stake-gareeyeen 908,192 ETH oo qiimahoodu gaadhayo $2.95 bilyan.
Circle waxay tan iyo bilowga sanadkan soo saartay $2.25 bilyan oo $USDC ah.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Binance ayaa hadda bilawday ka ganacsiga suuqa futures-ka oo 24-saac ah oo loogu talagalay Dahabka (Gold) iyo Qalinka (Silver).
Qiime suuqeedka stablecoins-ka ee Solana ayaa gaadhay rikoodh cusub (ATH) oo ah $15 bilyan, isagoo koray 200% sanadkii la soo dhaafay, sida uu sheegay Token Terminal.
21-ka cid ee ugu waaweyn ee Bitcoin haysta ayaa urursaday $40 bilyan oo BTC ah sanadkii 2025, sida uu sheegay barta River.
JPMorgan waxay qorshaynaysaa in ay ku soo bandhigto JPM Coin-keeda asalka ay u leedahay (Native) shabakadda Canton Network, iyada oo ballaadhinaysa token-ka dhigashadiisa (deposit token) una fidinaysa blockchains-ka dadweynaha si ay u hirgeliyaan istaraatiijiyad multi-chain ah.
World Liberty Financial oo uu taageerayo Trump ayaa codsatay ruqsad bangi qaran ah si ay u soo saarto una kaydiso stablecoin-ka USD1.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Saamiga Alphabet ayaa si weyn u kacay, isaga oo ka kor maray kan Apple iyo shirkadaha kale ee tiknoolajiyada waaweyn, taas oo ugu wacan xawaaraha ka dhashay soo saarista adeegyada AI (oo ay ku jiraan moodooyinka Google Gemini iyo adeegyada la xidhiidha). Tani waxay muujineysaa sida suuqu u abaalmarinayo shirkadaha bixiya awoodaha AI ee loo arko inay yihiin kuwa ugu wanaagsan.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Sida ku cad warbixin weyn oo ku saabsan blockchain-yada soo saariddooda lagu talo jiro, dhowr mashruuc oo diiradda saaraya kaabayaasha ayaa ururinaya maalgelin muhiim ah bilawga sannadka cusub.
MegaETH oo ah mashruuc cusub oo Layer‑2 ah oo loogu talagalay kordhinta xawaaraha macaamilka Ethereum ee waqtiga-dhabta ah, ayaa soo uruuriyay $107.8 milyan oo maalgashi ah.


