Wararkaa Maanta ee Suuqa Kiribto 28-12-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 47.5 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay29% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $39.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 3.43 billion.

5ta Coin ee suuqa ugu qiimaha badan

  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $87,75.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,939.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $855.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.86.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $124.82.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Dowladda Maraykanka iyo hay’adaheeda kormeerka sida SEC iyo CFTC waxay sii xoojiyeen ilaalinta suuqa cryptocurrency-ga.
  • Midowga Yurub wuxuu hirgeliyey xeerka MiCA (Markets in Crypto-Assets), kaas oo dhigaya hannaan sharciyeed mideysan oo lagu maamulo crypto-ga dalalka xubnaha ka ah. Shirkadaha Kiribto waxaa laga doonayaa ruqsad rasmi ah iyo ilaalin buuxda oo xogta macaamiisha ah.
  • Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay ku dartay crypto nidaamka sharciyada maaliyadeed ee dalka. Waxayna adkaysay shuruudaha diiwaangelinta iyo kormeerka Suuqyada, si loo hubiyo daahfurnaan iyo badbaado maalgashi.
  • Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE): waxay sii waddaa siyaasadda taageerada crypto iyadoo la raacayo sharciyo adag. Hay’ada VARA waxay ka shaqeynaysaa sharciyo cusb.
  • Shiinaha weli wuu mamnuucay ka ganacsiga crypto. Wuxuuna diirata saaray horumarinta lacagta dijitaalka ah uu qorsheenaayo soo saaristeeda (Digital Yuan – CBDC).   

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • JPMorgan wuxuu ka fikiraya in uu si rasmi ah u soo bandhigo cryptocurrency trading services (spot & derivatives) si uu u soo jiito macaamiil cusub.
  • Sidoo kale Morgan Stanley wuxuu qorsheenayaa inuu soo kordhiyo trading crypto ee E*Trade sanadka 2026.
  • Bitcoin ETFs maanta waxay la kulmeen outflows xoogan, ‘hanti badan laga saaray’ halka qiyaastii $150–200 milyan, Dhanka kale Ethereum ETFs ay ka baxday hanti ku qiyaasan $40–70 milyan, laga saaray BTC ETFS inakastoo ay jirtay inflow aan badnayn labada ETFs.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Atlas (ATLAS) Coin cusub, waxaa lagu arkay liiska maanta ee CoinMarketCap. Wuxuu ku dhisan yahay Blockchain: Ethereum. Market Cap -kiisa wuxuu hadda marayaa : ~ $2.48M. ‘fursad early investment ah’.
  • Tuna (TUNA) mid ka mid ah coins-ka cusub maanta ee leh ganacsi xoogan, waxaa lagu arkay liiska cusub ee CoinMarketCap. Wuxuu ku dhisan yahay Blockchain: Solana. Qiimaha halkii token hadda 0.0008371.  fursad early investment ah’.
  • Vitalum (VAM) token cusub oo suuqa si weyn u qabsaday. Waxaa hadda lagu diiwaan geliyey liiska cusub ee CoinMarketCap. Wuxuu ku dhisan yahay Blockchain: BNB Smart Chain. Qimaha halkii token hadda ~$0.1458. Market Capkiisu hadda : ~ $145M.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Bitmine, oo ah shirkad ugu wayn ee Ethereum holding garayso, ayaa ku maalgashatay maanta $219M ETH si ay u kordhiso kaydkeeda.
  • Baahida loo qabo ETH staking ayaa sii kordheysa iyadoo hay’ado waaweyn ay raadinayaan fursad yield sarayso .
  • Dhaqdhaqaaqan ballaaran ee whales ku wuxuu saameyn ku leeyahay liquidity iyo qiimaha Suuqa.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Waxaa xoogaysanaya Stablecoin adoption, gaar ahaan markii uu soo baxay SoFiUSD, kaasoo diirada saaraayo yareynta qarshka Fee-ga iyo fududaynta Suuqa.
  • Blockchain integration ee maaliyadda caadiga ah ayaa horumar wayn ku socota.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Ethereum PoS staking ay sameyaan whales-ka iyo Hay’adaha waa wayn ee suuqa ayaa si wayn loo dareemayaa iyadoo Bitmine ay maanta ETH ku sameesay maalgashi xoogan.  
  • Blockchain-based payments ayaa si wayn u kordhaya.

🤖 8. AI & 🌐 Web 3.0

  • AI analytics ayaa sii kordhaya si loo falanqeeyo data on-chain.
  • Web3 projects waxay soo kordhiyeen AI features cusub.

🎨 9. NFT & 💸 DeFi

  • DeFi liquidity solutions sida staking iyo yield protocols ayaa helaya xiiso wayn.
  • Adeegsiga NFT-yada ayaa sii kordhaya, gaar ahaan marka ay soo baxeen mashruucyada ka shaqeeyo cross-chain.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article