Waa maxay Middleman?
Si fudud ‘Middleman’ waa dhexdhexaadiye waxuuna noqon karaa shaqsi, ama hay’ad u dhaxeeyso labo dhinac marka ay wax is dhaafsanayaan si ay fududeeyaan wax is dhaafsi sida heshiis la kala saxiixanaayo, lacag la kala sarifanaayo, ganacsi la kala iibsanaayo, guri la kala kala kiraysanaayo, waxuuna ka shaqeyaa Middle man qaybo badan oo nolasha ka mid ah wuxuuna u howl gala sidii buundo isku xerto labo dhinac.
Tusaalayaal ka mid ah Middle man
Sidaan horay u soo sheegnay Middle man waa isku xero laba dhinac kana shaqeeyo meel walibo oo labo qof wax isku dhaafsadaan tusaalooyinka ugu muhiimsan waxaan u soo qaadan karnaa.
- Dulaalayda, way noocyo badan yihiin waxaa ka mid ah kuwa guryaha ka shaqeeyo waxay isku xeraan shaqsiga iska leh guriga iyo kan rabo inuu iibsado ama kiraysto.
- Ganacsiga caadiga, Middle man waxay ka dhex shaqayaan ganacsiyada tusaale wholesalers baqaarada jumladawaxay ka soo iibsadaan badeecooyinka shirkadaha soo saaro waxayna ka sii iibiyaan retailsellers dugaamada tafaariiqda, waxay u dhaxeyaan warshadaha wax soo saaro iyo ganacsiyada yar yar.
- Suuqyada Online-ka, middle man waxii iskugu jiraan noocyo badan waxaa noqon karo shaqsi caadi ah tusaale Drop shipping ‘waxaad iibinaysaa badeeco aan lahayn oo waxaad u dhaxaysaa shirkada iska leh iyo iibsadaha, companyada waxayna noqon karaan middle man’s tusaale Amazon, Ebay, Alibaba waxay u dhaxayaan iibiyaasha iyo iibasadayaasha badeecooyinka waxayna awood u leeyihiin inay faragalin ku samayaan macaamilka ka dhaxeeyo, markaad wax iibsato lacagta aad dirtay toos uma gaarayso qofka kaa iibsadey, balse ka hor waxay maraysaa company-ga idin dhaxeeyo tusaale Alibaba.
- Adeegyada maaliyada, awood xoogan kuma laha Middle man maaliyadaha, balse mararka qaar Bankiyada waxay u shaqeyaab qaab Middle man ah.
- Suuqyada financial online market sida crypto, stock, Forex, Brokerada ka shaqeeyo forex iyo Stock waa Middle man’s waxay u dhaxeyaan shaqsiga wax iibsanaayo iyo cidda ka iibinayso tusaale Forex Brooker’s waxay u dhaxeyaan bankiyada waa wayn iyo retail traders suuqa forex qaybta ka ah.
Sidee ayay u shaqayaan Middle man?
Middle mans-ku waxay toos ugu dhex shaqayaan labo dhinac wax is dhaafsanaayo si ay u fududeyaan heshiiska ama wax kala iibsigaas, waxay faa’ido ka samayaan macaamilka labad qof ka dhaxeeyo, shaqadooda ma ahan permanent ‘joogto’ badanaa, ee mashruuclayaal tusaalaha ugu fudud waa dulaalayda mar mar suuqa waa u shidan yahey marna waa ka dansanyahey, middle mans-ku xaruun ma lahan badankood balse waxaa jiro qaar xaruumo lagu hagaago leh si aad Middle man u noqoto wax qarash kaagama baahno kaliya waxay ku xerantahey ‘Networking’ si aad labo qof waxa kala iibinayso iskugu xerto una dhex dhexaadiso, mararka qaar waxay noqdaan mulkiilayaal hadii loo wakiisho shay, online-ka waxaa ka jirto fursado badan aan kaaga baahnayn wax qarash ah si aad dhex-dhexaadiye ‘middle man’ u noqoto labo qof isku xerto aadna ka samayso dhaqaale, tusaale waxaa ka mid ah Impact and Affiliate marketing, shirkadaha online wax ku iibiyo in aad iska diwan galiso, buuxiso shuruudahooda markay ku siiyaan link-ga xayaysiinta aad product-yadooda ay bixiyaan ku xayeysiiso account-yadada baraha bulshada adigoo sidaas macaamiil ugu soo xeraayo, Digital Marketing Agency waa fursad kale oo ka banaan online aan kaaga baahnayn wax qarash ah si aad u bilaawdo waxaad samaysanaysaa Social Media Marketing agency sida Facebook page, channel YouTube iwm adigoo ku soo bandhigaysi adeegyada xayaysiin aad bixiso una maamulaysi ganacsiyada accountyadooda baraha bulshada iibinaysi alaabahooda kuna soo xeraysi macaamiil, freelancing website job waa fursad kale qaali ah oo ka banaan online-ka aan soo gaarin wali somaliya, fursadaan waxay tahey waxaad samaynaysaa website freelancing ah kulminaayo macaamiilka rabo in shaqo loo qabto iyo xirfadlaha rabo inuu shaqadaas qabto tusaale shaqooyinkaas waxaa ka mid samaynta website, Application, Digital marketing Agency, iwm oo online-ka quseeyo, waxaadna dhaqaale ka samaynaysaa shaqada labadaas ka dhaxeyso tusaale markii project lagu soo xayeesiisto website-kaaga uu qof freelancer ah shaqadaas qabto inta aysan gaarin ka hor waxay toos ugu soo dhaceysaa account-gaaga waxaad u diraysaa qarashkiisa adna waxaad ka reebaneysaa inta aad ku laheed.
Sidee lacagaha Cryptocurrency iyo Blockchain meesha ugu saarayn Middle Man?
Technologyada baahsan ee Blockchain iyo lacagaha bilaa xuduud ah ee cryptocurrency waxay keenayn nidaam amaan ah aan lagu baahnanyn cid dhexe oo isku xerto labada qof ay wax kala iibsanaayo, balse isticmaalayaasha ku cusub hanaan maaliyadeedkaan cusub ee wato technologyadiisa u gaarka ah intay kala qabsanayaan waxay adeegsan karaan dulaaleyda madaxa banaan ay fududeyo wax is dhaafsiga ‘centralized Finance’.
CeFi, waa nidaam dhexe balse u shaqeeyo qaab ka duwan bankiyada iyo brokerada suuqayada kale ee maaliyadeed sida Stock iyo Forex, ka hor inta aysan sharciyo u samayn ha’adaha maamulo dhaqaalaha ugu wayn caalamka sida SEC iyo U.S Department of treasury waxay ahaayeen kuwa madaxbaan aan isticmaalayaasha xog waydiin, balse markii ay dowladuhu ku qasbeen in ay aqoonsadaan macaamiishooda ‘KYC’ waxay noqdeen kuwa meel dhexe laga maamulo, laakiin Suuqa crypto guud ahaan waa mid ka madax banaan dowladaha iyo bankiyada markaad crypto ka dhex isticmaalayso ‘DeFi-Decentralized Finance ma lahan wax middle man isku xero macaamiisha labada qof ka dhaxeeyo iyaga ayaa si toos isku dhaafsanaayo macaamiilkooda ‘Peer-to-peer payment system’ projectyada lagu dhiso technologyada Blockchain sida ERC-20, Bep20 Token, Solana block chain kaagama baahno cid dhexe inaad u marto si aad u samaysato mashruuc kuu gaar ah adiga.
Halkaan Ka baro coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad Af-kaaga hooyo