Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.32 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.01%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 14% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
Heerka cabsida suuqa laga qabo ayuu joogta meeshii ay joogtay burburkii FTX iyo COVID–19.
In ka badan $95.15M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $48.93M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda Ruushka ayaa 71% ka mid ah kaydkeeda dahabka iibisay si ay u sii waddo dagaalka.
🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. Turbo Battle Arena (TBA)
- TBA waa mashruuc GameFi ah oo qabtay IDO (iibka bilowga ah ee token-ka) taariikhdu markay ahayd 21–22 Febraayo 2026 — tani waxay ka dhigan tahay in token-nada hadda la abuurayo lana qaybinayo maanta marka iibku dhammaado.
T. IPO Genie ($IPO)
- Inkastoo uusan wali ku jirin liisaska Suuqyada, IPO Genie waa mid ka mid ah presale-yada Kiribto ee si weyn loo hadal hayo bishan Febraayo, wuxuuna si firfircoon loo iibsanayaa token-kiisa.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Aasaasaha Ethereum, Vitalik Buterin ayaa iibiyay Ethereum u dhigma $8.2M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Rabitaanka maalgashadayaasha urursada Bitcoin ayaa kor u kacay toddobaadkii u dambeeyay.
Lyn Alden ayaa sheegtay in korodhka xiga ee Bitcoin uu bilaaban karo marka saamiyada AI ee aad u kacsan ay gaadhaan heerkii ugu sarreeyay, isla markaana maalgashigu dib ugu soo wareego BTC.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Samsung ayaa ku dhawaaqday cusboonaysiin ku saabsan modelkeeda Galaxy AI, taas oo ku dartay wakiil AI cusub oo loogu talagalay in uu ka dhigo is-dhexgalka mid fudud oo dabiici ah dhammaan qalabka Galaxy. Ballaadhintan waxay ujeedadeedu tahay in isticmaalayaasha la siiyo doorashooyin iyo dabacsanaan dheeraad ah marka ay AI u adeegsanayaan hawlaha maalinlaha ah sida fariimaha, raadinta, iyo kaalmada agabka ay adeegsanayaan.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Shabakado dhowr ah oo blockchain ah oo ka baxsan Bitcoin oo ay ku jiraan BNB, Cardano (ADA), Dogecoin (DOGE), iyo Solana (SOL) ayaa muujiyay dhaqdhaqaaq on-chain ah oo xooggan iyo korodh qiime marka loo eego Bitcoin 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib go’aan canshuureedkii ay soo saartay Maxkamadda sare ee Maraykanka.
☢️ 8. Xogta dhaca crypto
Xayaysiisyo been abuur ah oo isku eekaysiinaya Uniswap ayaa dhacay akoon taas oo wadarta ay xadeen gaadhsiinaysa $370M.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


