Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 27-ka Febraayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.42%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 16% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $308.17M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $223.15M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Elizabeth Warren ayaa sheegtay in haddii Donald Trump ay dhab ka tahay joojinta ku ganacsiga xogaha gudaha dawladda (insider trading) ee Congress-ka, sharci-dejiyeyaashu ay tahay inay ansixiyaan sharci mamnuucaya in xubnaha Congress ay lahaadaan ama ka ganacsadaan saamiyada.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Xafiiska kormeerka lacagta Maraykanka (OCC) ayaa sheegay in waaxda nidaamisa xeerarka ay tahay inay maareeyaan khatarta halkii ay ka tirtiri lahaayeen gebi ahaanba, isla markaana ay habeeyaan xeerarka si nidaamka bangiyada federaalka u ahaado mid caafimaad qaba.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $254.46M
ETH: $6.57M
SOL: $0.5M
XRP: $1.22M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Fabric Protocol ($ROBO)

  • Token-ka $ROBO (Fabric Protocol) ayaa maanta lagu daray dhowr suuq oo waaweyn oo ay ka mid yihiin HTX, KuCoin, Binance, Bitget, Bitrue, Bybit, MEXC, XT.COM, iyo LBank, iyadoo loo asteeyay magaca ah ROBO/USDT.

T. Whispr ($WHSPR)

  • Token-ka $WHSPR waxaa maanta la qorsheeyay in si rasmi ah loogu liis-gareyntiisa MEXC (27 Feb 2026).

F.G innagu halkan kuma soo bandhigno la-talin maalgashi kaliya waxaan sheegnaa Token-nada ama Coins-ka la soo galiyo suuqyada kuwa leh hadal-haynta ugu badan.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Boorsadaha waaweyn ee Bitcoin ee haysta 100+ BTC ayaa ku sii dhowaanaya 20,000, taas oo taariikh ahaan loo arko calaamad kor u kac ah, maadaama maalgashadayaasha waaweyn ay urursanayaan Bitcoin inta qiimuhu hoos u dhacay.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

SBI Holdings iyo Startale Group ayaa soo bandhigay JPYSC, oo ah stablecoin-kii ugu horreeyay ee lacagta yen-ka Japan ku xiran, waxaana soo saaraya Shinsei Trust & Banking.

Maamulaha guud ee Beast Industries ayaa yidhi: “Ethereum waa laf-dhabarta stablecoin-nada iyo tiknoolajiyadda blockchain-ka oo si weyn ayaan u taageersanahay Ethereum.”

Jack Dorsey ayaa sheegay in Block Inc. ay dhimayso ku dhowaad kala bar shaqaalaheeda, iyadoo tiradu ka soo degayso in ka badan 10,000 noqonaysana ku dhowaad 6,000 shaqaale, maadaama shirkaddu u wareegayso kooxo yaryar iyo adeegsiga qalabyo ku shaqeeya Garaadka macmalka ah (AI).

Sida uu sheegay wargayska River Financial, hay’adaha maaliyadeed ee waaweyn sida Fidelity Investments, Bank of America, iyo Morgan Stanley waxay ku talinayaan in qiyaastii 1–5% maalgashiga (portfolio) loo qoondeeyo Bitcoin.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Meta Platforms ayaa la sheegay inay saxiixday heshiis balaayiin doollar ah si ay uga kiraysato qalabka chip-yada Garaadka macmalka (AI) ee Google.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article