Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.23 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.02%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 14% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $498.39M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $360.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Maraykanka ayaa duqeeyay Iiraan taas oo keentay inay xiisad aan la mahadin ay ka aloosanto bariga dhexe.
Iiraan ayaa dhankeeda weerar ku qaadday saldhigyada Maraykanka ee bariga dhexe iyada oo weerartay Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Qadar iyo Baxrayn.
Bitcoin oo ka falcelinaysa dagaalka ayaa Saaka gallinkii hore samaysay hoos u dhac.
Dimuqraadiyiinta Golaha Senate-ka ayaa ku boorriyay Xeer-ilaaliyaha Guud Pam Bondi iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent inay baadhaan Binance si loo hubiyo inaysan jebin cunaqabataynta uu saaray Mareykanku.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.
BTC: -$27.5M
ETH: -$43M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Tether ayaa xannibtay $4.2B saddex sano gudahood, kadib markii uu kordhay dhaca la xidhiidha Kiribto.
🤖 5. AI iyo Web 3.0
Shirkadaha waaweyn ayaa la filayaa inay $700B ku bixin doonaan horumarinta AI-ga sannadkan 2026.
ChatGPT ayaa gaadhay 900M oo adeegsade firfircoon oo toddobaadle ah.
🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain
Qiimeyn cusub oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa horumarinta barnaamijyada (developer activity) oo ay soo saartay madal falanqayn ah Santiment ayaa muujisay in Hedera, Chainlink, iyo Avalanche ay hoggaaminayaan tartanka dhismaha kaabayaasha Hantida Dhabta ah (RWA) ee ku shaqeeya blockchain-ka.
Mashaariicdan oo ay ku jiraan kuwa kale sida Stellar, IOTA, iyo Injective ayaa lagu ammaanay shaqada horumarineed ee la xidhiidha hanti la tokenize-gareeyay.
☢️ 7. Xogta dhaca crypto
Waaxda canshuuraha ee South Korea ayaa si aan loo kasin u soo bandhigay seed phrase-ka boorso ay ku jirto Kiribto, taas oo keentay in la dhaco $4.8M.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


