Wararka Maanta Suuqa Kiribto 05-01-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.16 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 94.76 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 42% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $92,852.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,166.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $904.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.12.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $135.82.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta shaacisay tillaabooyin cusub oo lagu hirgelinayo sharciga GENIUS Act (oo uu saxiixay Madaxweyne Trump July 2025), kaasoo nidaaminaya lacagaha Stablecoins-ka.
  • Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa hadda bilaabaya inay codsadaan liisanka rasmiga ah ee soo saarista Stablecoins-ka, iyadoo la raacayo shuruudaha keydka hantida (Reserves) ee cusub.
  • Dowladda Japan ayaa soo dhaweysay tallaabooyinka Mareykanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu xoojinayo isticmaalka Dollarka ee nidaamka Blockchain-ka caalamiga ah.
  • Yurub ayaa weli ka walaacsan saameynta Stablecoins-ka Dollarka ku saleysan ay ku yeelan karaan Euro-ga, iyadoo adkeysay shuruucda MiCA.
  • Warbixino soo baxaya ayaa sheegaya in dalal badan ay diyaarinayaan qaab-dhismeed canshuur cusub oo lagu dabaqayo faa’iidooyinka laga helo ganacsiga Kiribto sannadkan 2026.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Spot Bitcoin ETFs ayaa shalay iyo maanta diiwaangeliyay qulqul lacageed oo dhan $355 Milyan, taasoo muujinaysa in hay’adaha waaweyn ay weli xiiso wayn u haayaan.
  • EtF-ka BlackRock ayaa hoggaaminaya suuqa, isagoo soo xareeyay in ka badan $143 Milyan oo ka mid ah wadarta guud ee maanta.
  • Fidelity iyo Ark Invest, Labadan ETF ayaa sidoo kale lagu arkay koror weyn, iyadoo Ark Invest (ARKB) ay heshay in ka badan $100 Milyan.
  • Inkastoo khidmadahoodu sarreeyaan, haddana Grayscale waxay diiwaangelisay qulqul togan oo yar ($4.2 Milyan), taasoo calaamad u ah in iibkii badnaa (Selling pressure).

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Token-ka Allora (ALLO), oo ah mid ku salaysan Ai (AI Network), ayaa si rasmi ah looga ganacsanayaa Binance maanta.
  • Qiimaha ALLO ayaa hadda maraya qiyaastii $0.12, iyadoo mugga ganacsiga (Volume) uu aad u kordhay saacadihii ugu horreeyay.
  • Mashruucan ayaa qayb ka ahaa barnaamijka ‘HODLer Airdrops’ ee Binance, taasoo siisay dadka haysta BNB fursad ay ku helaan token-kan si bilaash ah.
  • Token-ka Magma Finance ayaa sii wada inuu soo jiito dareenka maalgashiyaasha, gaar ahaan qaybta ‘Futures’, iyadoo ganacsatadu ay raadinayaan fursado degdeg ah.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Markii Bitcoin ay dhaaftay $91,000, waxaa la “Liquidate-gareeyay” in ka badan $60 Milyan oo ah boosaska “Short” (dadka filayay inuu dhaco) hal saac gudaheed.
  • Xogta “On-chain” waxay muujineysaa in Whales-ka ay iibsanayeen Bitcoin intii ay ku jirtay heerarka $88k-$90k, iyagoo sii kiciyay qiimaha.
  • Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo dhanka Ethereum ah, iyadoo boorsooyin (Wallets) aan la garaneyn ay urursanayaan ETH ka hor inta uusan gaarin $3,200.

🏗️6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa  (Developing Projects)

  • Netflix ayaa si rasmi ah u shaacisay filim cusub oo la yiraahdo “One Attempt Remaining” oo ay jilayso Jennifer Garner. Filimkan wuxuu ku saabsan yahay lamaane isku dayaya inay furaan Wallet Crypto balse ay iloobayaan Seed-phrase-ka.
  • Soo saarista filimkan waxay billaabaneysa sannadkan 2026, wuxuuna noqonayaa mashruucii ugu weynaa ee Hollywood ee diiradda saara Crypto.
  • Wararku waxay sheegayaan in lagu xayeysiin doono suuqyada sarrifka sida KuCoin, Mexc, Bybit iyo Gate.io.

️7. Tiknoolajiyadda Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shabakadda Allora waxay soo kordhisay qaab cusub oo lagu mideenaayoAI iyo Blockchain, taasoo u ogolaanaysa in xogta AI ay noqoto mid la isku halleyn karo.
  • Hirgelinta shirciga GENIUS Act waxuu keenay in bangiyada ay dhistaan kaabayaal Blockchain u gaar ah si ay u soo saaraan lacagaha Stablecoins-ka.

🤖8. AI & Web 3.0

  • Allora Network Waa mashruuca ugu hadal haynta badan maanta ee isku xira AI iyo Web3. Wuxuu bixiyaa suuq (Marketplace) lagu gato saadaasha iyo xogta AI.

🎨9. NFT & DeFi

  • Suuqa NFT-yada ayaa weli ah mid deggan, laakiin mashaariicda ku xiran “Real World Assets” (RWA) ayaa si fiican u shaqeynaya.
  • Adeegyada Liquid Staking (sida Lido) ayaa weli ah laf-dhabarta DeFi, iyadoo dadku ay doorbidayaan inay ETH-kooda shaqeysiiyaan intii ay iska haysan lahaayeen.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article