">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Dunidaan Digital-ka ah aynu manta nool nahey waa mid aad u fursad badan ayna yartahey dadka qibrada iyo aqoonta u leh ay ka faa’idaysto gaar ahaan suuqyada Digital financial-ka sida Crypto iyo stock.

Marka ay noqoto Cryptocurrency waa mid xiiso kooni leh suuqaan waa mid furan 24/7 maalmood, qofka isaga ayaa mas’uul ka ah maal gashiisa. “Self-Control” mana lahan suuqaan wax la yiraahdo waxa uu ku xeran yahey dhacdasaas ama markii la soo fasaxo sida forex oo ku xeran New York session, iyo London session xiliyada ay furmaan.

Waxaa jirto Qatar wayn ee kawada siman yihiin suuqyadaan maaliyada taasoo ah weerarada ay ku soo qaadaan hackers-ka, marka la joogo Cryptocurency tuugada ka qaraabato aad ayay u noocyo badan yihiin maadaamo suuqaan uu yahey mid curdun ah ayna yartahey aqoonta loo leeyahey oo mararka qaar waxaa dhacdo in hacker-ka waxa uu doonaayo in uu jabsado ay aqoonteeda ku yartahey !.

Waxaana jirto labo qaab ay Hackers suuqaan wax ugu dhacaan mida kowaad Centralized hackers, waa tuugada dhacdo exchange-yada gaarka loo leeyahey sida Binance, Bybit, OKX iyo account-yada shaqsiyaadka.  Decentralized Hackers, tuugadaan waa kuwa ka qaraabto suuqyada madaxa banaan aan jirin cid dhexe oo maamusho’ sida UNISWAP, PankSwap, Jupiter iyo Wallet-yada ay maalgashi-yaashu wax ugu kaydsanyihiin.

Maxay yihiin 10-ka hacking ugu waynaa ee ka dhacay suuqa crypto.

  1. Poly Network; waxa ay aheed madal fududayso isu wareejinta lacagaha digital-ka ah ee crypto, hackers ayaa ka dhacay lacag lagu qiyaaso $610 Million iyagoo ka faa’ideystay nuglaanshaha Smart Contract ay isticmaaleysi madasha balse nasiib wanaag lacagtii ay dhaceen badankeeda way ku soo celiyeen iyagoo sheegay in ay doonayeen in ay tijaabin ku samaynayeen amniga shirkada.
  2. Coinchek, waxuu ahaa suuq laga leeyahey wadanka japan tuugada soo weerartay waxaa u fududaatey in ay hacking ku sameeyaan Cold wallet ay shirkada leedahey iyagoo ka dhacey lacag gaarayso $523 million.
  3. Ronin Network, Wxuu ahaa block chainta uu isticmaalaayi Axie infinity ‘largest game in crypto’ waxaa laga dhacay $620 Million, una dhiganto, 173,600 Eth ah iyo 25.5 million oo Stable coin USDC ah.
  4. MT Goxs, Waxa uu ahaa Exchange can ka ahaa suuqa Crypto 2014, weerar ay ku soo qaadeen hackers suuqaan waxay ka dhaceen Bitcoin lagu qiyaaso 850 kun una dhigatay xiligaas $720 million, tasoo u gaysatey qasaaro xoogan sababtayna inuu gabi ahaanba bur buro suuqaas.
  5.  FTX, Waxuu ahaa Exchang-kii ugu waynaa suuqa Crypto marka laga soo tago Binance wuxuuna musalufay 2022-dii, waxaa laga dhacey $415 miilion waxaana lagu shakisanyahey ina ay ka dambeeyeen shaqaalaha sariflahaas waxaana halkaas ku bur burtay sumcadii shirkada.
  6. Binance, oo maanta ah madasha ugu wayn ‘Centralized exchange’ suuqyada gaarka loo leeyahey ayaa laga dhacay 200 kun oo BNB token ah 2022, lacagtaana ayaa lagu qiyaasaa dollar ahaan $570 million, tuugada waxay hacking ku sameeye Bridge-ka ay leedahay shirkada Binance ee Binance Bridge.
  7. KuCoin, Waa Sarifle caalami ah waxaana la sameeye 2017, hackers ayaa soo weerarey suuqaan 2020-kii waxay awood u haleen in ay jabsadaan hot wallet-ka shirkada iyagoo ka dhacay lacag dhan $280 Million, baaritaan dheer ka dib ay sameeyeen quburo ku taqasuusay blockchain-ta ayaa soo celiyay kala bar lacagti ay hackers-ku baxsadeen.
  8. Bit Mart, Waa suuq caalami ah kana dirsan ‘CEX’ Suuqyada gaarka loo leeyahey waxaa laga dhacay lacag gaarayso $196 million, hacker’s ayaa u dhacay shirkadaan sarifle ah bishii December, 2021 waxay helayn furaha sirta macaamiisha ka diwaan ka shanaa suuqaan, shirkada ayaana u balan qaaday macaamiishayda in ay u soo celin doonto hantidooda kana hortagi doono hacking dambe oo lagu sameeyo.     
  9. WazirX Exchange, Waa suuq laga lee yahey wadanka India waxuu la gulmay dhac sanadkii tagey ee 2024, kooxda hackers soo weerarey exchange-kaan ayaa ka faa’ideystay Multi-Signature wallet-yada ay shirkadu leedahay iyagoo helay saxiixa shirkada, waxayna ka dhacayn lacag dhan $235 Million, waxaana lagu tuhsan yahey dhacaas in ay ka dambeeyeen kooxda lazers group oo ka dhisan North korea, waxuuna saameeye hacking kaas in ka badan 15,000 macaamiil maalgshi ugu jiray shirkada.
  10. Bybit, 21, February 2025, sanadkaan aynu ku jirno waxaa hacking-ka lagu sameeye exchange-kaan suuqa crypto caan ka eh, waxa uu noqday mid ka mid ah dhicitaankii ugu waynaa ee crypto lagu sameeyo waxaana laga dhacey lacag gaarayso $1.5 billion, hackers soo weerarey suuqaan waxay si fudud ku helayn Smart contract-ga ay leedahey shirkaada iyagoo ka faa’ideystay wareejinta Bybit, waxayna u dhaceen wallet-yada assest ka ugu kaydsanaa iyagoo u kala dirsaday ilaa 53 Wallet. Co-founder-ka shirkada Bybit Zho, ayaa sheegay in dhacdadaan ay saamaysay kaliya Cold Wallet-ka ay ku kaydsanyihiin lacgaha Ether wuxuuna sii raaciyay in shirkada ay awoodo in ay celiso macamiisha assent-kooda ay wax ka maqanyihiin.

Sidee Iskaga ilaalin kartaa in hacking laguu sameeyo?

Raac tilaabooyinkaan si aad ugu badbaado in hacking laguu sameeyo

  •  Isticmaal crypto wallets hadii aad tahey maalgashte, haku kaydsan hantidaada Exchage-yada, maxaa yeelay hadii hacking lagu sameeyo ama uu suuqa ka baxo hantidaada sidaa ayaa ku waaysay, balse wallets-ka adiga ayaa masuul ka ah hantidaada sidiiba hardware wallets-ka ledgor, Trazor, Safepal ama adeegso hot wallet amaan ah oo la isku hubo sida Trust wallet iyo metaMask.
  • Iska hubi Smart Contract project-ga ka hor inta aadan maalgashan, hadii uu ku dhisanyahey Ether; ka baar EtherScan, Sol; ka baar SolScan, Binance Snmart chain; ka baar BscScan.
  • Isticmaal Crypto Platforms kala duwan hadii ay noqoto Wallets “Boorso” iyo Exchanges “sarifle-yaal”, haku kaydsan dhamaan hantidaada crypto hal meel sida hal sarifle Binance, hal boorso Trustwallet.
  • Samayso password adag oo adiga kuu gaar eh ‘unique password’, adeegsana 2FA ‘Two-factor Authentication’ waa hab 2aad aad kaga hor tagi karto hackers inay guduha u galaan accounts-kaaga hadii ay helaan xitaa passwordkaaga.
  • Ku ilaalso private key iyo Seed phrase-kaaga meel amaan ah, marnaba qof hala wadaagin, ku qoro warqad ama ku kaydso qalab hardware ah aan internet is arkayn sida USB Flash.
  • Ka tigtoonaaw phishing attacks, hackers-ku waxay sameeyaan fake websites sida midka binance, Metamask u eg, iska hubi URL website-ka inta aadan login dhihin ka hor.
  • Hubi amniga Device-ka aad adeegsanayso sida Mobile iyo labtop, ka warqab mar walibo fariimaha laguu soo diro Email iyo SIM card-kaaga, Update u dir platformada aad ka adeegsato crypto sida kuwa sariflayaasha, boorsooyinka iyo xogaha kuwa aad ka hesho, ha furin fariin aadan aqoon, hana siin qof hadii uu ku waydiiyo xogtaada shaqsiyeed.

ka baro halkaan Coursada Crypto Bilaaw ilaa dhamaad

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency

Leave a comment