Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee lsuuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.32 trillion waxuu sare u kacay 0.91% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $69.7 Billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 64.8% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 34.2%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 21% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad u dhacsanatay.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaain suuqa 50% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay (Neutral).

Xigasho: Coinmarketcap
- Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu hadda maraya $108,173 iyadoo uu sare kor u kacay 0.75%
- Ethereum Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $2,452.79, waxuuna hoos u dhacay 1.02% maalintii hore.
- Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $2.19, iyadoo uu kor u kacay 0.23% 24 saac u dambeysay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $151.41, iyadoo uu sare u kacay 3.40%
- Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.1646, iyadoo uu kor u kacay 1.16%
- TonCoin: Qiimaha TON waxaa lagu kala iibsanayaa suuqyada $2.87, waxuuna hoos u dhacay 1.77%
2️. 🏛️ Shuruucda & Siyaasada Suuqa
- Hay’adda La-dagaalanka Dhaqaalaha Madow ee FATF Waxay sheegtay in 40 dal caalamka ay la jaanqaadeen lacagaha crypto ayna u sameyeen xeerar. Waxay sidoo kale sheegtay in ka badan $51 bilyan oo lacago si sharci darro ah loogu adeegsaday crypto, gaar ahaan stablecoins.
- Waxaa dhacay 231 dhacdo oo isugu jira dhicid, afduub & hanjabaadyo—tusaale ahaan, ganacsade Pakistani ah ayaa laga dhacay $340K.
- Maalgashade u dhishay India ayaa la weeraray waxaan laga dhacay (₹2 crore uu doonaayi inuu ku maalgashto Cryptocurrency.
- Shirkada Coinbase waxaa loo doortay inay noqotay mid ka mid ah 100ka shirkadood ee ugu saameynta badan Crypto sanadkaan.
- 27% dadka Kuuriyaanka ah ee da’doodu u dhaxayso 20–50 ayaa haysta lacagaha crypto, halka 70% qorsheynayaan inay iibsadaan.
- Binance Research ayaa sheegtay in BTC uu taariikh ahaan soo kaban jiray kaddib dhacdooyin juqraafi siyaasadeed oo waaweyn, isagoo celcelis ahaan keenay 37% soo noqosho, ka dib dagaalkii u dhaxeeye Iran iyo Isreal.
3️. ETF-yada & Maalgashiga Hay’adaha Suuqa
- Shirkado London ku yaalla ayaa bilaabay inay Bitcoin ku daraan miisaaniyadooda, si ay faa’ido ugu helaan sare u kaceeda la filaayo
- Hay’adda FCA ee UK waxay tixgelinaysaa inay fududeyso xeerarka retail-ka ee crypto.
- Khubaradu waxay saadaalinayaan in ka badan 90% fursad ah in ETF-yada cusub la aqbali doono
4️. 🐋 Dhaqdhaqaaqa Whales
- Whales ayaa si weyn u iibsaday UNI, WLD, iyo SAND—taasoo muujinaysa dareen bullish ah. Gaar ahaan UNI, 190% ayuu ku kordhay.
5️. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Crypto
- Mashruucyada loo adeegsado Web3 iyo AI kuna jiro marxalada Presale ayaa helay lacag dhan $8.5 million, taas oo muujinaysa baahida loo qabo barnaamijyadaan.
- Sol Strategies waxay taageertay Jito, iyadoo Solana DeFi TVL uu gaaray $8.1 billion
- VeChain waxay isu diyaarinaysaa Stargate upgrade 1-da Luulyo waxayna soo kordhin doontaa staking iyo burning
- Stablecoin-ka ay soo saarta WLFI uu taageero Trump ($USD1) wuxuu gaaray $1.25B mugga ganacsiga 24-saac u dambeysay.
Xigasho: coincentral.com
6. 🔗 Teknolojiyadda Blockchain
- Dowladda Hindiya ayaa xooga saaraysa hirgelinta ballaaran ee blockchain, iyadoo la tixgelinayo arrimo la xiriira sharci dejinta iyo adeegyada dadweynaha sida codbixinta.
7.🤖 🌐 AI & Web 3.0
- Mashruucda AI eek u dhisan blockchain-ka ayaa kor u kacday ~86% tan iyo bilowgii 2025.
- PFM Crypto waxay bilowday qandaraas cusub oo AI ku shaqeeya, kaasoo bixiya abaalmarino
8. 🎨 💸 NFTs & DeFi
- DeFi-ga loo adeegsado Cardano (Ada) wuxuu wajahaya hoos u dhac: whales ayaa bilaabay inay iibiyaan malaayiin token, isticmaalka maalinlaha ahna wuu yaraaday.
- Pudgy Penguins NFTs Waxaa kor u kacay ~15.7% maanta, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah kuwa ugu guulaha badan mashruucyada NFTs.
Halkaan ka baro Coursada Crypto