">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaalada guud ee Suuqa  

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.369 trillion waxuuna kor u kacay 0.80% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 111.6 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 63.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 36.3%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 28% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid  hoos u dhacaya.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa in suuqa 68% yahay taasoo ku tusinaysa in kalsoonida suuqa ay soo noqonayso

Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

  1. Bitcoin ayaa mar kale jabiyay rikoodh cusub, qiimihii uu gaarayna wuxuu ahaa $118,856
  1. Ethereum: (ETH) waxuu marayaa qiimihiisa maanta $2962
  2. XRP: waxuu galay gaalinta saddexaad ee suuqa Qiimahiisa hadda waxuu marayaa $2.78
  3. USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 70 billion
  4. BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $690.46 waxuuna sare u kacay 0.94% isbuucii u dambeyay
  5. Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $162.26
  6. USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 7 billion.
  7. Dogecoin: meme- token ka DOGE waxuu soo galay kaalinta 8aad ee suuqa kala saraynta lacagaha Crypto haatan qiimihiisa waxuu marayaa $0.1985.
  8. TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.3026.
  9. Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.7270.

2. 🏛️ Xeerarka iyo Sharciyeynta Suuqa

  • Waxaa la meel mariyay sharciga Genius Act kaasoo qeexaayo in shuruudo adag loo sameeyo company-ada soo saara stablecoins-ka
  • Waxaa ka dhex jidho dood siyaasadeed gudaha maraykan gaar ahaan labada xisibi taasoo ah doorashada hay’adaha SEC ama CFTC ‘midda xakamaynayso lacagaha Digital-ka ee Crypto’
  • Waxaa jira cadaadis sharci ay ku doonayaan dowladaha in la soo saaro CBDC, lacago ku dhisan Blockchain ay maamulaan Dowladaha, iyadoo la taageerayo Anti‑CBDC Act ‘in aan la soo saarin lacagahaas’.
  • Aqalka sharci dajiyaasha Mareykanka waxay kordhinayaan kalsoonida dadka maalgashiga ugu jiro suuqa crypto, waana sababta keentay korarka suuqa

3.📊 ETFs & Hay’adaha maalgashi saameeyo Suuqa

  • Bitcoin ETFs (spot) waxaa soo gashay maalgalin dhan $1.17B.
  • BlackRock’s IBIT ayaa hogaamineysa maalgelinta suuqa ETF-yada waxay iibsatay in ka badan badan 700,000 BTC.
  • Ethereum ETFs ayaa sidoo kale kor u kacay waxaana soo gashay maalgelin dhan $204.9M lix maalmood gudahood.

4.🐋 Maalgashiga Whales-Saamayna ku leh suuqa

  • Whales-ka haaysto coin-yada BTC iyo ETH waxay samayeen maalgashi kaydsasho iyagoo 50,000 BTC iyo 220M ETH ka soo wareejiyay exchanges toddobaadkan.
  • Ethereum Foundation ayaa iibisay 1,207 ETH, halka maalgashadayaasha kale ay iibsadeen in ka badan 21,487 ETH.
  • Maalgashiyaal ayaa bilaabay aruursasho wayn coin-ka XRP, taasoo kor u qaaday qiimihiisa.

5.🚀 Mashruucyada horumarka ku socdo ee suuqa

  • Istanbul Blockchain Week 2025 waxaa lagu soo bandhigay mashruucyo AI agents, RWA, iyo Web3 ku shaqeeyo Blockchains.
  • Sanduuqa maalgelinta ee Gate Ventures uu leeyahay Exchange Gate.io waxuu gaaray $200M, Maamulaha Suuqa Gate.io waxuu xaqiijiyaya in la gaarsiin doono $10.9B.
  • Sequans Communications ayaa u wareejisay $384M treasury‑goodii si ay Bitcoin ugu iibsato,
  • Aragtiyaha khubarada ku soo qora faaladooda madasha Investopedia waxay tilmaamayaan in altcoins seson soo dhawdahay.  

6.🔗 Blockchain Technology

  • VeChain–Wanchain bridge wuxuu xoojinayaa isdhexgalka liquidity-ga ee gudaha blockchains-yada.
  • Gate.io waxay muujisay hufnaan buuxda: reserves cadeyn leh, auditaan, Merkle Tree—waxaana loo arkaa tusaale horumar.
  • Teknolojiyadda zkEVM ee ku dhisan Ethereum Layer‑1 ayaa la qorsheynayaa in la hirgeliyo bisha July 2025, taasoo xoojineysa scalability-ga shabakada Ethereum.

7.🤖 AI & Web 3.0

  • zkEVM integration waxay gacan ka geysaneysaa in nidaamku Ai yeesho smart contracts oo ammaan ah.
  • BlackRock BUIDL fund waxay soo kordhisay adeega isdhexgalka Web2 & Web3, iyadoo la adeegsanayo distributed ledger.

8. 🎨 NFT & DeFi

  • Ripple iyo BNY Mellon ayaa bilaabay keydinta Stablecoinka RLUSD oo ka badan $500M, taasoo kor u qaaday kalsoonida XRP.
  • VeChainWanchain bridge waxay xoojinaysaa isticmaalka token-nada DeFi ee kala duwan.
  • Istanbul blockchain event ayaa lagu soo bandhigay NFTs, DeFi mashruucyo cusub iyo dhaq dhaqaaqyo Web3 ah.

Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment